Taliyaha ammaanka magalada Kismaayo oo la dhawacay

Image

KISMAYO [ Garowe Online]- Weerar dableey hubeysan xalay ku qaadeen Taliyaha ammaanka magaalada KIsmaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose Gaboobe Xasan Barre ayaa waxaa ka soo gaaray dhaawac.

Dhaawaca Gaboobe ayaa ah mid sahlan sida ay shegeyso xogta aan ka heleyno Isbitaalka guud.

Xiliga uu dhacayay weerarka ayaa Gaboobe waxaa uu la socday cutub ka tirsan ciidanka ammaanka oo markaa ku sugnaa xaafada Calanley kana waday hawlgal.

Sidoo kale darawalkii gaariga taliyaha ammaanka ayaa isna ku geeriyooday weerarkaan.

Tirro dad ah ayaa loo qabtay weerarka ayagoo hadda lagu hayo xarumaha nabad sugida maamulka Jubbaland halkaas oo dadka la geeyo la baaro.


Garowe Online
Xafiiska Kismaayo

Related Articles

Madaxda Federaalka oo durba bilaabay fulinta ballamadii ay la galeen Xildhibaanada

Madaxweynaha JFS ayaa durba bilaabay xil u magacaabista xubnaha baarlamaanka.

  • Wararka

    02-04-2024

  • 08:02AM

Turkiga oo casriyeynaya hanaanka dambi baarista Soomaaliya

Wax ka badalkan ayaa horumarin doona nidaamka cadaalad marinta darafyada dacwaduhu ay khuseeyaan.

  • Wararka

    14-02-2024

  • 04:30AM