Beesha Caalamka oo war kasoo saartey Shirkii Baydhabo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Dowladaha Itoobiya, Talyaaniga, Norway, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa soo dhoweeyay natiijooyinka qiimaha leh ee ka soo baxay shirkii Golaha Amniga Qaranka ee 3-5 Juunyo ugu qabsoomay magaalada Baydhabo, magaalo madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Saaxiibada beesha caalamka ayaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah, gobolka Bebadir, iyo wasaaradaha shirka joogay, ku bogaadiyay heshiisyada muhiimka ah ee ay ka gaareen Qorshaha Kalaguurka, wadaagga dakhliga, iyo hanaanka doorasho ee doorashooyinka qof-iyo-cod ee 2020, waxayna ku boorriyeen in la dar-dar-geliyo hirgelinta heshiisyadaas.

In loo midoobo arrimahan iyo kuwo kale oo masiiri ah waxay dhidibada uu aasaysaa horumar dheeraad ah, oo uu ka midyihiin dhamaystirka geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka iyo qeexidda hanaanka federaalka Soomaaliya, loona diyaar-garoobo Madasha Iskaashiga Soomaalliya oo wax-ku-ool ah, taas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Yurub iyo Sweden ay wadajir ugu martigelinayaan magaalada Brussels 25 iyo 26 Juunyo.

Maadaama Soomaaliya ay gelayso weji cusub ee xiriirka ay la leedahay hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, saaxiibada Soomaaliya waxay ku dhiiri-gelinayaan madaxda Soomalaaliyeed inay sii wadaan ku-shaqaynta dareen midnimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM