Cali Shariif oo warqadaha aqoonsiga Safiirnimo laga gudoomay

Image
Image

ADDIS ABABA - Safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya, Cali Shariif Axmed, ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dr. Workneh Gebeyehu.

Labada dhinac ayaa yeeshay Kulan diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya waxuu sheegay in ay jirto yididiillo lagu xoojinayo xiriirka labada dal ee deriska ah.

Dhankiisa, Danjire Cali Shariif ayaa boggaadiyay xiriirka xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyo rabitaanka guud ee labada dhinac ee lagu qoto dheereynayo xiriirka iyo iskaashiga oo dhinacyo kasta leh.

Cali Shariif ayaa sidoo kale gudbiyay farriin salaan ah uu ka siday Wasiirka Arrimaha Dibadda, Xukuumadda iyo dhammaan hey'adaha dowladda oo ku socotay Dowladda iyo Shacabka Itoobiya.

Safiirka cusub ee Itoobiya Cali Shariif ayaa kamid ah danjiriyayaal dhowr ah oo Fahad Yaasiin uu wato, oo magacaabistooda isaga ka timid, kuwaasoo u adeegsanaya inuu ku xoojiyo xiriirkiisa dalalka loo magacaabey, sida Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM