DF oo ku dhawaaqday qorshe UN-ka iyo caalamka soo dhaweeyeen

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xilli adduunka laga xusayay Maalinta Caalamiga ah ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa, Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday tallaabooyin qorshaysan oo lagu xoojinayo ballanqaadka ay sameysay ee ay kula dagaallameyso musuqmaasuqa kuna xoojineyso daahfurnaanta si loo dhiso hay’ado dowladeed oo lala xisaabtami karo.

Munaasabad ay Qaramada Midoobay taageereysay oo ka dhacday Muqdisho oo lagu xusayay Maalinta Musuqmaasuqa, ayna ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda iyo wakiillada caalamiga ah ee qaabilsan horumarka, iyo sidoo kale wakiillo ka socday ururrada dhallinyarada iyo haweenka, ayaa Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji, wuxuu ka caddeeyey sida ay dowladdiisa uga go’an tahay sare u qaadista isla xisaabtanka iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ka jira dowladda.

Wasiirka ayaa saxiixay Qorshaha Daahfurka Mashruuca (PIP) oo u dhaxeeya wasaaraddiisa iyo Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), kaas oo ujeeddadiisu tahay sidii loo xoojin lahaa hay’adaha dowladda si loola dagaallamo musuqmaasuqa loona dhiirrigelin lahaa isla xisaabtan.

“Waxaan guda galnay sidii aan ku dhisi lahayn Guddiga La Dagaallanka Musuqmaasuqa; waxay u baahan yihiin xog-hayn, waxay u baahan yihiin tababarro, waxay u baahan yihiin caawimaad dhinac kasta ah. Sidaas awgeed, waxaan qabaa in Qorshaha Daahfurka Mashruuca uu nagu hoggaamin doono sidii aan u dhisi lahayn hay’addan noo sahli doonta inaan saxiixno isla markaasna qalinka ku duugno Heshiiska QM ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa,” ayuu yiri Wasiir Xasan.

Wuxuu intaas raaciyey in mashruuca uu si gaar ah u horumarin doono isla xisaabtanka ka dhex jira qaar ka mid ah hay’adaha muhiimka ah ee ka jira dalka, sida Xafiiska Hanti-dhowrka, iyo kuwo kale, deetana lala xisaabtami doono hay’ado kale ka hor inta uusan dhammaan Mashruuca PIP.

Isagoo ku hadlayay magaca Qaramada Midoobay mar uu ku sugnaa kulanka maanta, Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-Hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaliya, Peter de Clercq, ayaa ku ammaanay Dowladda Federaalka dadaalladeeda ku aaddan horumarinta daahfurnaanta, isla xisaabtanka iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ka jira xafiisyada dadweynaha.

Mas’uulka ka tirsan QM ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda inay horumar ka sameyso Heshiiska QM ee la dagaallanka Musuqmaasuqa, oo ah heshiiska kaliya ee adduunku isla qaatay, ee lagula dagaallamayo musuqmaasuqa, ilaa haddana ay saxiixeen 186 dal.

“Waxaan ku dhiirrigelineynaa dhammaan laammaha Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada inay qaadaan tallaabooyin lagu ilaalinayo laguna ballaarinayo hufnaanta iyo isla-xisaabtanka maaraynta dakhliga iyo maaliyadda dadweynaha, iyo sidoo kale horumarinta nidaamyada sharciga ah iyo kuwa hay’adeed ee la dagaallama musuqmaasuqa, iyadoo loo marayo dib u xoojin adag iyo tallaabooyin ciqaabeed,” ayuu yiri de Clercq.

Kaddib xafladdi saxiixitaanka, Agaasimaha UNDP u Qaabilsan Soomaaliya, George Conway, ayaa sharraxay in qorshaha PIP ee hadda la saxiixay uu u oggolaanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya inay si dhammaystiran ula dagaallanto musuqmaasuqa.

“Qorshaha PIP wuxuu ku dhisan yahay wadashaqayn wax-ku-ool ah oo aan la leennahay Dowladda – heer federaal iyo heer dowlad goboleed sanado badan, si aan wax uga qabanno arrimaha dowlad wanaagga, isla xisaabtanka, daahfurnaanta, taageerada nidaamka maaraynta maaliyadda dadweynaha iyo dabikhitaan intaas ka gun wayn oo ku aaddan isku xukunka qaanuunka,” ayuu yiri Conway kaddib xafladdii sixiixitaanka.


Qorshaha Daahfurka Mashruuca (PIP) waxaa lagu fulin doonaa muddo ka badan lix bilood, iyadoo wixii muddadaas ka dambeeyana ay UNDP daahfuri doonto barnaamij dhammaystiran oo sanooyin socon doona kaas oo ka taageeri doona Dowladda Soomaaliiya dadaalladeeda ku aaddan la dagaallanka musuqmaasuqa.

Caalamka oo idil, 9-ka Disember waxaa laga xusaa Maalinta Caalamiga ah ee La Dagaallanka Musuqmaasuq iyadoo ujeeddaduna tahay in sare loo qaado wacyiga ku aaddan musuqmaasuqa iyo doorka uu Heshiiska QM ee la dagaallanka musuqmaasuqa ku leeyahay la dagaallanka iyo ka hor-tagga musuqmaasuqa.

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM