Maamul Goboleedyada oo war kasoo saarey faragelinta Doorashada KG

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Gollaha Iskaashiaga Dowlad goboleedyada dalka, ayaa war-saxaafadeed kasoo saarey faragelinta dowladda Federaalka ay ku hayso doorashada Koonfur Galbeed iyo is-casilaaddii xubnaha gudiga doorashada maamulkan.

Qoraalkan oo ay si wadajir ah usoo saareen Madaxda Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in Villa Somalia ay Muqdisho u daad-gureysay ku dhawaad 100 Xildhibaab, si loogu qanciyo inay u codeeyaan musharaxa dowladda.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa maalmihii ugu dambeeyay diyaarado looga soo qaadey Baydhabo, iyagoo la dejiyy Hoteello ku yaalla Muqdisho, waxaana sida ku xusan War-Saxaafadeedka la siinayaa lacago laaluush ah, oo looga iibsanayo codadkooda.

Tani ayay sheegeen hogamiye-yaasha dowlad goboleedyada inay meesha ka saareyso in Koonfur Galbeed ay 17-ka bishan ka dhaco doorasho Nabad, Xor iyo Xalaal ah ay qansoonto, islamarkaana ay dadka ay kusoo doortaan Madaxweynaha ay doonayaan.

WAR-SAXAAFADEEDKA: 

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM