Wasiiradda Arrimaha Dibadda IGAD oo shir uga furmaya maanta Caasimadda Muqdisho.

Image

Mogadishu , January 10 ,2015 - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku martigelineysa magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka maanta oo Sabti ah , 10 ka bisha January 2015  markii ugu horeysay si rasmi ah muddo 28 sano kadib , Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Wadamada ku midoobey Urur goboleedka IGAD , wareegiisa 53,aad , iyadoo laga tallaabay marxaladii KMG aheyd ee dalku ku jiray muddo 12 sano .

Shirkani oo ka furmaya gudaha Caasimadda Muqdisho , socon doonana muddo hal cisho ah , ayaa waxaa ka qeybgalaya Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh , Ethiopia H.E. Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus , Djibouti H.E. Mahamoud Ali Youssouf, South Sudan H.E. Dr. Barnaba Marial Benjamin , Sudan H.E. Ali Karti , Kenya Amb. Amina Mohamed, Uganda H.E. Henry Okello Oryem  iyo Xoghayaha guud ee Urur goboleedka IGAD Eng. Mahboub Maalim.

Kulankani oo looga hadli doono taageeridda dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku talaabsaneysa horumar siyaasadeed iyo mid ammaan , hiigsaneysana qorshayaal dalka dib loogu dhisayo , laguna horumarinayo , ayaa la rajeynayaa in Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada ku midoobay IGAD ay ka soo saari doonaan gaba-gabada shirkooda war-murtiyeed bidhaaminaya waxqabadka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qabsoomidda kulankan ayaa ah tusaale wanaagsan iyo ifafaale dib u soo celinaya kaalintii Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku laheyd caalamka , wuxuuna horseedayaa in dunida ay qirto in Soomaaliya  xilligan ay dib uga soo kabaneyso dagaalo dib u dhigay hanaankeedii dowladnimo .

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa u aragta qabsoomidda Shirkani rajooyinka wanaagsan ee xoojinaya awoodda siyaaasadda dibadda ee dalka .

Waxaa Xusid mudan in Dowladdii KMG ee uu hogaaminayay Madaxweynihii hore Abdullahi Yusuf Ahmed ay ku marti gelisay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda IGAD , oo qabsoomay 29 November 2005.

Dowladda Soomaaliya ayaa kaalin weyn waxa ay ka qaadatay aas'aasidda Urur goboleedka IGAD oo ay ku mideysan yihiin dowladaha ku yaala Bariga Afrika , waxaana si rasmi ah loo aas'aasay sanadkii 1986.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda 

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM