Abiy Axmed oo lagu cadaadinayo in uu ka baxo Itoobiya

Image
Image
Safaaradda Mareykanka ee Itoobiya ayaa muwaadiniinteeda uga digtey in ay sii joogaan Addis Ababa.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Safaaradda Maraykanka ee Itoobiya ayaa uga digtay muwaadiniinteeda in ay sii joogaan magaaladda Addis Ababa oo dadka shacabka ah loogu baaqey inay hubka qaataan.

Digniintan ayaa timid markii shalay ay Itoobiya ku dhawaaqday xaalad degdeg ah, iyadoo jabhadda (TPLF) ay qabsatay dhul badan oo katirsan gobollada waqooyi.

Safaaradda Mareykanka oo qoraal ku daabacdey ciwaankeeda Twitter-ka ayaa sidoo kale ka mamnuucday shaqaalaheeda inay u safraan meel ka baxsan xadka magaalada Addis Ababa.

Ilo diblomaasi ayaa sheegaya in Abiy Axmed lagu cadaadinayo inuu dalka Itoobiya isaga baxo, oo musaafuris aado kadib markii TPLF ay horumaro ka sameeyeen dagaalka ka socda Waqooyiga, una soo jihaystay dhanka Addis Ababa.

Dhana kale, Itoobiya ayaa u baroordiiqaysa ciidankii ku dhintay werarkii ugu horeeyey ee TPLF ku qaaday saldhigi ku yaalay ee magaalada makellle ee caasimada Tigray bishii Nobember ee 2020-ka

Baroordiiqdan oo si weyn loosoo agaasimay ayaa waxaa lagu qabtay xarunta taliska ciidanka militariga Itoobiy waxaana ka qayb-galay ra'iisul wasaare Abiy Ahmed iyo mas'uuliyiin kale.

Itoobiya ayaa haatan waxay wajahaysaa xaalad kacsanaan ah. Gobolka waqoyga dhaca ee Tigray ayaa waxaa ka oogan colaad uu dhiig badan u daadanayo. Iska hor-imaadka ayaa ah mid sanad-jirsadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM