Abiy Axmed oo xilal sare u magacaabay saddex Soomaali ah

Image
Baarlamaanka Itoobiya ayaa todobaadkii hore wuxuu codka kalsoonida siiyay Xukuumadda Cusub.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa u magacaabay masuuliyiin badan xilal kala duwan oo heer sare ah oo ay ku jiraan saddex Soomaali ah.

Seharela Abdulahi ayaa laga dhigay wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Suldaan Wali waxaa loo xushay in uu noqdo wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta

Hassen Mohammed oo kamid ah siyaasiyiinta caanka ah ayaa dhankiisa waxaa loo xushay in uu noqdo wasiiru Dowlaha Ganacsiga iyo Wasaaradda Isdhexgalka Gobolka.

Baarlamaanka Itoobiya ayaa todobaadkii hore wuxuu codka kalsoonida siiyay Xukuumadda Cusub, ee uu soo dhisay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed oo mar labaad xafiiska loo doortay.

Gollaha Wasiiradda oo ka kooban 22 xubnood ayaa waxaa ku jira siyaasi kasoo jeeda gobolka Tigray, oo loo magacaabey Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya.

Abrham Belay, waxaa loo dhiibay xilka ugu saameynta badan Itoobiya xilliga oo dagaal ku jirto, isagoo loo magacaabey wasiirka difaaca xili gobolka uu kasoo jeeda ee Tigray ka socdo xad-gudbyo laga dhaxlay duulaankii sanad kahor lagu qaadey.

Abiy Axmed ayaa maalin kahor loo caleema-saaray xilka Ra'iisul Wasaaraha markii 2aad, isagoo shanta sano ee soo socota uu hogaamin doono dalka labaad ee ugu dadka badan Africa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM