Abiy Axmed oo xilal sare u magacaabay saddex Soomaali ah

Image
Baarlamaanka Itoobiya ayaa todobaadkii hore wuxuu codka kalsoonida siiyay Xukuumadda Cusub.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa u magacaabay masuuliyiin badan xilal kala duwan oo heer sare ah oo ay ku jiraan saddex Soomaali ah.

Seharela Abdulahi ayaa laga dhigay wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Suldaan Wali waxaa loo xushay in uu noqdo wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta

Hassen Mohammed oo kamid ah siyaasiyiinta caanka ah ayaa dhankiisa waxaa loo xushay in uu noqdo wasiiru Dowlaha Ganacsiga iyo Wasaaradda Isdhexgalka Gobolka.

Baarlamaanka Itoobiya ayaa todobaadkii hore wuxuu codka kalsoonida siiyay Xukuumadda Cusub, ee uu soo dhisay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed oo mar labaad xafiiska loo doortay.

Gollaha Wasiiradda oo ka kooban 22 xubnood ayaa waxaa ku jira siyaasi kasoo jeeda gobolka Tigray, oo loo magacaabey Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya.

Abrham Belay, waxaa loo dhiibay xilka ugu saameynta badan Itoobiya xilliga oo dagaal ku jirto, isagoo loo magacaabey wasiirka difaaca xili gobolka uu kasoo jeeda ee Tigray ka socdo xad-gudbyo laga dhaxlay duulaankii sanad kahor lagu qaadey.

Abiy Axmed ayaa maalin kahor loo caleema-saaray xilka Ra'iisul Wasaaraha markii 2aad, isagoo shanta sano ee soo socota uu hogaamin doono dalka labaad ee ugu dadka badan Africa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM