Abiy Axmed: Sidii Mangiste TPLF uguma cararayo Itoobiya

Image

ADDIS ABABA - Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa sheegay in uusan meelna uga socon Itoobiya, islamarkaana uu u dhiman doono difaacideeda.

Isagoo ka hadlay kulan wararka been-abuurka ee laga faafiyo dagaalka Itoobiya, ayaa Abiy yiri: Aniga labo dal ma lihi, mana uga carari doono TPLF Itoobiya, cashar baan ka baraney khal-khal gelintii lagu sameeyay Mangiste, ee dalka isaga cararay 1991".

Mangiste ayaa xukunka Itoobiya haystay intii u dhaxaysay 1977 illaa 1991.

Abiy Axmed ayaa sheegay in Itoobiya ay guuleysan doonto, islamarkaana ay ka gudbayso caqabadaha Maanta haysta, oo ah dagaalka TPLF kusoo qaadey dowladda.

Wuxuu Abiy beeniyay in TPLF usoo jirsatay Addis Ababa 200 oo Mile, isagoo arintaas ku tilmaamay war been ah oo ay baahiyeen warbaahinta reer galbeed, ee danaha gaarka ka leh Itoobiya inay burburto.

Abiy Axmed wuxuu shacabka ugu baaqey inaysan dheg-jalaq u siinin wararka lagu cabsi gelinayo ee ah in la ridayo dowladda iyo inay TPLP kusoo dhawaatay Caasimadda, isagoo ka dalbadey dadweynaha inay difaacdaan dalkooda.

Itoobiya ayaa waxaa ka taagan dagaal mudo ka badan hal sano, kaasoo galaaftay nolosha kumanaan qof oo ku dhintay intooda badan gobolka Tigray, ee waqooyiga ku yaalla halkaasoo ay colaadda kasoo billaabatay dhamaadkii 2020.

Beesha caalamka, gaar ahaan Mareykanka iyo Midowga Afrika ayaa isku dayaya inay joojiyaan dagaalka, islamarkaana miiska wadahadalka lagu dahmeeyo dagaalka socda, oo khatar gelinaya xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM