Abiy oo Addis Ababa ka badbaadiyay khatartii kusoo wajahnayd

Image

ADDIS ABABA - Dowladda Itoobiya ayaa Isniintii shalay sheegtay inay dib ula wareegtay laba magaalo oo istiraatiiji ah oo ay ka qabsadeen fallaagada TPLF, waana guulihii ugu dambeeyay ee is-daba jooga ah oo Ciidanka qaranka ka gaarayaan furimaha dagaalka dhanka waqooyi ka socda.

Kumanaan kun oo qof ayaa wajahaya masiibo bini'aadantinimo oo qoto dheer oo ka taagan waqooyiga Itoobiya, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika.

Dowladda ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in Dessie iyo Kombolcha ay si buuxda ula wareegeen ciidamada wadajirka ah ee ka kooban kuwa Federaalka iyo Ismaamulka Amxaaradda, kuwaas oo sidoo kale la wareegay gacan ku haynta dhowr magaalo oo kale.

Labada magaalo oo dhaca gobolka Axmaarada oo ku yaala wado wayn oo qiyaastii 400 kilomitir (250 miles) ka xigta dhanka waqooyi bari ee caasimada Addis Ababa, ayaa la sheegay in ay la wareegtay Tigray People's Liberation Front (TPLF) dhamaadkii Bishii October.

TPLF iyo xulafadeeda Oromada, ay markii ay qabsadeen magaalooyinka hadda laga saarey ku goodiyay inay la wareegayaan caasimadda, taasoo keentay cabsi soo wajahday Abiy Axmed.

Abiy -- oo ku guuleystay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel laba sano ka hor -- ayaa bishii hore ku dhawaaqay inuu aadi doono goobta dagaalka ka dib markii fallaagada kusoo dhawaadeen Addis Ababa, iyadoo la sheegay in dagaalku uu ka socday ugu yaraan saddex geesood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamacad hirgelisay xarun lagu tababaro ganacsatada Soomaaliya

Xaruntan laga furay Nairobi ayaa lagu magacaabaa Akadeemiyada Maalgashiga Soomaaliyeed.

  • Afrika

    14-05-2024

  • 04:13AM

DRC: Dabley afar qof ku dishay goob laga qodo dahabka

Sannadkii hore, sagaal qof oo Shiinees ah ayaa lagu dilay goob kale oo dahab laga qodo.

  • Afrika

    13-05-2024

  • 07:15AM