Afgembi ka dhacay Gabon iyo rasaas ka dhacaysa caasimadda

Image

Militari ku sugan dalka Gabon ayaa sheegay inay afgembiyeen xukuumadda, waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Libreville waxaa lagu arkaya gawaarida militariga iyo tiknikada dagaalka.

Waxaana caasimadda lagu soo roggay banddow.

Bayaan kasoo baxay saraakiil militari oo dhalinyaro oo laga baahiyay raadiyaha dowladda ayaalagu sheegay inay jiraan walaaca sii xoggeysnayaa oo ah awoodda madaxweyne Cali Bongo uu ku hoggaamin karo dalkaasi isla markaasna dhaleeceeyay saraakiisha ugu sarreysa militariga.

Dadka ayaa baraha bulshada soo geliyay muuqaallo muujinayo rasaas ka dhaceysa waddooyinka caasimadda Libreville iyo dadweyne halkaasi dhooban.

Cali Bongo ayaa in ka badan labo bilood ka maqnaa dalka Gabon, waxaana laga daweynaya xannuun aanan la shaacin, wuxuuna mar ku xannuunsaday dalka Sucuudi Carabiya xilli uu booqasho dalkaasi ku joogay.

Qoyska madaxweyne Bongo ayaa 50 sanno ee lasoo dhaafay maamulayay dalka shidaalka qaniga ku ah ee Gabon, waxaana lagu eedeeyay inay uruursanayeen hantida iyo kheyraadka dalkaasi.

Cali Bongo ayaa xilka kala wareegay aabihiis sannadkii 2009-dii, wuxuu ku guuleystay doorashadii 2016-kii oo harreeyay qalalaase iyo eedeymo wax isdaba marin ah.

 

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM