Al-Bashir oo is-casilay iyo wararkii ugu dambeeyay xaaladda Sudan oo kacsan
KHARTOUM, Sudan - Xukunkii 30-ka sano ee Madaxweynahii Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiir oo maanta dhamaadey, waxaana talada kala wareegay ciidamada militeriga, iyadoo wadooyinka ay ka socdaan dabaal-degyo waaweyn.
Al-Bashiir, oo 75 jir ah ayaa la sheegay inuu is-casilay, waxaana ka socda dalka kulamo wadatashiyo ah ah oo ku saabsan sidii loo dhisi lahaa golle maamula dalka inta laga qabanayo doorashooyin cusub.
Is-casilaadda Al-Bashiir oo tan iyo 1989 gacan bir ah kusoo xukumayay Sudan ayaa ka dambeysay kadib dibadbaxyo u muuqday kacdoon oo dalka oo dhan ka qarxay lix todobaad kahor.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegay in la xiray saraakiil sare oo ay kamid yihiin wasiiro iyo taliyeyaal ciidan xilli militeriga uu la wareegay xarunta TV-ga qaranka, Madaxtooyadda iyo xaruumo kale oo muhiim ah.
Ciidamada militeriga ayaa sidoo kale isku geedaamay aqalka Madaxtooyadda Sudan ee ku taalla Khartoum, waxaana la ogeyn inuu ku jiro Al-Bashiir oo ilaa hadda la ogeyn halka uu ku dambeeyay.
Waxaa la xiray Garoonka diyaaradaha magaaladda Khartoum, si looga hortago in Madaxdii hore ay ka baxsadaan dalka Sudan, oo hadda uu ka dhacay isbedel mudo dheer ay shacabka sugayeen.
Maxkamadda ICC ayaa raadinaysa in loo soo gacan-geliyo Cumar Xasan Al-Bashiir oo 2009 usoo saartey warqad lagu soo xirayo, kadib markii lagu eedeeyay inuu dembiyo dagaal ka geystay gobolka Durfur, ee galbeedka Sudan, oo uu hubeyn jiray malleeshiyaadka Jandawiidka ee asalkooda carabta ah.
Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa noqday hogaamiyaha mudadii ugu dheerayd soo xukumay Sudan oo xornimada qaadatey 1956, waxaana lagu xasuusan doonaa go'itaankii South Sudan 2011 oo isagu ogolaadey.
Riditaanka Al-Bashiir waa midii 3aad oo shacabka Sudan ay xukunka ka tuuraan Madaxweyne, waxaana ka horeeyay Ibrahim Abboud 1964 iyo Jaafar Nimeiri 1985.
Dibdbaxyada ka dhanka ah Al-Bashiir ayaa billowday December 2018, waxaana kiciyay sicir-barar ku yimid qiimaha nolosha, iyadoo ay dhibaatooyin dhaqaale ay ka jiraan dalka oo ay sababtay cunaqabateynta saaran.
Kadib markii banaanbaxyada ka dhanka ah dowladda ay sii xoogeysteen, Al-Bashiir ayaa kala diray Xukuumadiisa, isagoo dalka kusoo rogay xaalad degdeg ah oo hal sano soconaysa.
Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa ahaa Madaxweynaha labaad ee Africa mudadii ugu dheerayd xukunka hayay, oo is-casila. Madaxweynihii Algeria, Abdelaziz Bouteflika ayaa dhawaan is-casilay isagoo xafiiska joogey mudo 20 sano ah.
Caqabadaha Sudan soo waji doona waxaa kamid ah halkee dalka uu ka aadi doona xaaladda hadda uu ku jiro, iyo sidee looga bad-baadin karaan inuu noqdo sida dalka ay deriska yihiin ee Libya, oo dagaalo ka qarxeen kadib marki xukunka laga tuurey Qadaafi 2011.
GAROWE ONLINE