Al-Burhaan oo kulan la qaadan doono Erdogan

Image

KHARTOUM, Sudan - Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Madaxa Golaha Sare ee dalka Suudaan iyo Taliyaha Ciidanka Generaal Cabdilfataax Alburhaan uu Arbacada -maanta ah- booqan doono Turkiga.

Ilo wareedka oo la hadlay “Sky News” ayaa tilmaamay in Al-Burhaan uu kulamo rasmi ah la qaadan doono Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo madaxda sare ee Turkiga, isagoo kala hadli doona sidii loo joojin lahaa dagaalka iyo sidii loo taageeri lahaa shacabka Suudaan.

Booqashadan ayaa noqonaysa tii shanaad ee uu Burhaan ku tago meel ka baxsan Suudaan, tan iyo markii ay colaaddu ka bilaabatay dalkaas bartamihii bishii April.

Tan iyo markii uu dillaacay, iskahorimaadku wuxuu galaaftay ilaa 7,500 oo dhimasho ah, sida lagu sheegay tirooyinkii ugu dambeeyay ee soo saartay hay'adda aan dawliga ahayn ee "ACLID".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM