Al-Burhaan oo kulan la qaadan doono Erdogan

Image

KHARTOUM, Sudan - Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Madaxa Golaha Sare ee dalka Suudaan iyo Taliyaha Ciidanka Generaal Cabdilfataax Alburhaan uu Arbacada -maanta ah- booqan doono Turkiga.

Ilo wareedka oo la hadlay “Sky News” ayaa tilmaamay in Al-Burhaan uu kulamo rasmi ah la qaadan doono Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo madaxda sare ee Turkiga, isagoo kala hadli doona sidii loo joojin lahaa dagaalka iyo sidii loo taageeri lahaa shacabka Suudaan.

Booqashadan ayaa noqonaysa tii shanaad ee uu Burhaan ku tago meel ka baxsan Suudaan, tan iyo markii ay colaaddu ka bilaabatay dalkaas bartamihii bishii April.

Tan iyo markii uu dillaacay, iskahorimaadku wuxuu galaaftay ilaa 7,500 oo dhimasho ah, sida lagu sheegay tirooyinkii ugu dambeeyay ee soo saartay hay'adda aan dawliga ahayn ee "ACLID".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM