AL SHABAAB oo sheegatay mas'uuliyadda weerarka Nairobi

Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka ka socda dhismaha Riverside, oo ka kooban Hotel lagu magacaabo Dusti iyo xafiisyo, oo ku yaalla xaafadda Westlands ee galbeedka Nairobi.

C/casiis Abu Muscab, oo ah Afhayeenka dhanka howlgallada Al-Shabaab ayaa sheegay in howlgal ay kawadaan magaalada Nairobi, isagoo aan sheegin tirada dagaalyahanada ku lugta leh iyo khasaaraha.

"Waxaan howlgal ka fulinaynaa Nairobi," ayuu yiri Afhayeenka.

Weerarka ayaa ku billowday labo qarax, oo xigay rasaas ay is-waydaarsanayaan dableyda hubeysan iyo ciidamada amaanka dowladda Kenya, oo isku dayaya inay xaaladda gacantooda kusoo celiyaan.

Dad badan ayaa ku xanniban gudaha dhismaha, iyadoo wararkii ugu horeeyay ee khasaaraha ay sheegayaan in saddex qof ay ku dhinteen rasaasta, islamarkaana lasoo badbaadiyay dhowr qof oo qaarkood dhaawacyo qaba.

Weerarkan ayaa dadka soo xasuusiyay midkii lagu qaadey September 2013 xarunta Ganacsiga ee Westgate Mall kaasoo lagu dilay 67 qof oo ajnabi iyo Kenya isagu jiray.

Al Shabaab ayaa kusoo beegtay weerarka maanta ee ka socda Nairobi sanad-guuradii 3aad ee weerarkii saldhigga ciidamada Kenya ee degaanka Ceel-Cadde kaasoo boqolaal askari lagu dilay.

Bishii April 2, 2015, ugu yaraan 148 oo qof ayaa lagu dilay weerar Al Shabaab ku qaadey University of Garissa, oo bariga dalka Kenya ku taalla, kuna dhaw xuduuda Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM