Algeria oo hawadeeda ka xiratay duulimaadyada Morocco

Image
Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli khilaafka labada waddan uu xoogeystay.

RABAT, Algeria - Aljeeriya ayaa hawadeedda ka mamnuucdey diyaaradaha rayidka iyo militariga ee Morocco, sida ay wakaalada wararka AFP kasoo xigatay madaxtooyada waddankaas.

Xukuumada Algiers waxay bishii horey goysay xiriirkii diblumaasi ee Rabar iyada oo ku eedeysay "talaabooyin cadaawad ah" balse Moroco way diidey sheegashadaas.

Illaa hadda, ma jirto jawaab rasmi ah oo Morocco kasoo baxdey. Isku dayo wakaaladda wararka Reuters ay u sameysay si ay ula hadasho boqortooyadda ayaan guuleysan.

Ilo ka tirsan Royal Air Maroc ayaa sheegay in xiritaanka uu saameyn doono kaliya 15 duulimaad oo toddobaadle ah oo isku xira Morocco iyo Tunisia, Turkiga iyo Masar.

Macluumaadyadda ayaa ku tilmaamay xiritaanka "mid aan qiimo lahayn" waxayna tibaaxeen in duullimaadyada ay dulmari karaan badda Mediterranean-ka.

Cilaaqaadka wadamadan deriska ah ayaa wuxuu ahaa mid aad u liitay tobannaankii sano ee la soo dhaafay, waxaana xudun u ah muranka Saxaraha Galbeed.

Morocco ayaa waxay u aragtaa dhulkaas qeyb kamid ah boqortooyadda, balse Aljeeriya waxay taageertaa dhaqdhaqaaqa Polisario ee doonaya madax-bannaanidda aggaas la isku hayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM