Algeria oo shaacisay xiliga ay dhaceyso doorashada madaxwaynaha

Image

ALGIERS, Algeria – Dowladda Algeria ayaa qaban doonta doorashooyinka madaxtooyada 4-ta bisha Julaayo, sida uu ku dhawaaqay madaxwaynaha ku meel gaarka ah, Cabdiqaadir Bin Saalax.

Shaacintaan ayaa kusoo aadaysa kadib mudaaharaadyo culus oo sababay in uu xilka ka dago madaxwaynihii 82-sano jirka ahaa ee Cabdicasiis Bouteflika.

Dibad-baxyada ayaa sii socday illaa iyo Arbacadii iyada oo la rajeynayo in ay halkooda kasii ambaqaadaan maalmaha soo aadan.

Bin Saalax oo uu magacaabay baarlamaanka ayaa waxaa laga filaya in uu isbedal u horseedo dalka uuna ku qanciyo banaan-baxayaasha in ay joojiyaan.

Tan iyo soo xulashada Bin Saalax waxaa xiran qaar kamid ah wadooyinka magaalada caasimada ah ee Algiers, iyada oo dibad-baxayaasha ay codsanayaan in uu is-casilo hogaamiyaha ku meel gaarka ah.

Bin Saalax oo 77-sano jir ayaa balanqaaday in ay ku qaban doonan doorasho xor iyo xalaal ah muddo 90 casho ah sida uu qabo dastuurka, laakiin dad qaarkii ayaa wali u arka in ay xulafo yihiin Bouteflika.

Kacdoonka Algeria oo soo bilowday bishii Febraayo ayaa nan ahayn kuwa looga soo horjeedo Bouteflika balse dadka waxay dalbanayaan in isbedal lagu sameeyo nidaamka dowlada shaqo abuurna loo sameeyo dhalinyaradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgal Sirdoonka Kenya sameeyay oo Lagu Joojiyey Weerar ka dhici lahaa Nairobi

Xogta sirdoonka ayaa sidoo kale tilmaantay in kooxdu qorsheynaysay falal afduub iyo weeraro kale xilliga Ramadaan.

  • Afrika

    19-02-2026

  • 02:18PM

Itoobiya oo Turkiga ka Codsatay Taageero ku Saabsan Helitaanka Marin-Badeed

Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameeyaan Itoobiya.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 01:55PM