Algeria oo u yeertay danjiraha u fadhiya magaalada Paris

Image
Dhawaqan ayaa ka dambeeyay kadib "hadal afgalaado ah" kana soo yeeray madaxwayne Emmanuel Macron.

ALGERIS, Algeria - Dowladda Aljeeriya ayaa waxay dib ugu yeertay safiirkeedii magaala madaxda Paris, iyada oo ku eedaysay Faransiiska faragelin aan la aqbali karin oo ka dhan ah arrimaheeda gudaha.

Xukuumadda Algeris ayaa waxay sheegtay in talaabadan ay kaga jawaabeyso faallooyin uu madaxweyne Emmanuel Macron ku sheegay wareysi uu siiyey wargeyska Le Monde ee Faransiiska.

Macron ayaa laga soo xigtay inuu yiri gumeystigii France wuxuu ku saleysanaa "nidaam siyaasadeed iyo milateri" oo leh taariikh rasmi ah oo aan ku saleysneyn run uusana mudneyn naceybka.

Khilaafka diblomaasiyadeed ayaa imanaya maalmo kadib markii Faransiisku hoos-u-dhigay tirada fiisooyinka ay siiso muwaadiniinta Aljeeriya iyo dalalka kale ee Waqooyiga Afrika.

Mr Macron oo wali aan sharaxin hadalkaas ayaa wuxuu horey mar ku tilmaamay gumeysiga Faransiiska ee dalka Waqooyiga Afrika ku yaal inuu yahay "dambi ka dhan ah aadanaha".

Dhawaqaas ayaa la rumeysan yahay in uu ka dhawaajiyey isaga oo isku dayay inuu hagaajiyo xiriirka uu la leeyahay Aljeeriya tan iyo markii uu xafiiska qabtay 2017.

Faransiiska ayaa gumeystay Algeria. Balse, wuxuu isticmaarkaas soo idlaadey 1962-dii kadib kacdoon hubeysan oo ay sameeyeen shacabka iyo hogaanka dalkaas. Nidaamkaas wuxuu bilowday 1830-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM