Angola: Haweenayda ugu taajirsan Afrika oo wajahaysa xarig

Image
Isabel dos Santos oo uu dhalay madaxwayne hore ayaa loo jaray waaran la doonayo in lagu soo qabto.

LUANDA, Angola - Mas'uuliyiinta Angola ayaa doonaya in la soo xiro Isabel dos Santos, oo ah gabar uu dhalay madaxweynihii hore ee dalkaas, sida uu u sheegay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka wakaaladda wararka ee dowladda.

Isabel, oo loo aqoonsadey haweenayda ugu taajirsan guud ahaan qaaradda Afrika, ayaa, sida uu ku eedeeyay Hélder Pitta Grós, waxay lacagta ka sameysay hantida dadweynaha.

Grós ayaa xusay in ay booliska caalamiga ah ee  Interpol ay u kaashan doonan soo qabashadda Isabel kadib markii "ay ku guuldareystay in ay hor-timaado baareyaasha si su'aallo loo waydiiyo".

Interpol ayaa soo saarta ogeysiis ku wajahan hay'adaha ammaanka aduunka kaasoo ku wajahan soo qabashada qof la raadinayo. Balse, ilala haatan ma jiro wax ogeysiis ah oo ku wajahan Isabel.

Waaranka haatan loo jaray soo qabashadda Isabel ayaa yimid kaddib sannado baaritaanno ay mas'uuliyiinta Angola ku hayeen hantida ay urursatay intii uu aabbaheed, José Eduardo dos Santos, oo dhintay bishii Luulyo, uu ahaa madaxweynaha.

Muddadii 38-da sano ahayd ee uu aabaheed xafiiska joogay waxaa lagu calaamadeeyay eedeymo musuqmaasuq oo fara badan. Xilka madaxii hore ee shirkadda saliida ee dowladda ayay baneysay 2017-kii kadib markii uu madaxwayne noqdey João Lourenço.

Mr. Lourenço ayaa wacad ku maray in uu la dagaalami doono wax uu ku sheegay musuqmaasuqa la cadaadeystay, dawladdiisuna waxa ay si degdeg ah u bartilmaameedsatay carruurta mas'uulkii ka horeeyay.

José Filomeno dos Santos, oo ah wiilka madaxweynihii hore, ayaa 2020-kii lagu xukumay shan sano oo xarig ah kadib markii lagu helay in uu lunsaday aduun $500 milyan oo doolar oo ka timid sanduuqa madax banaanida Angola.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM