Arday dacwad kaga guuleysatay iskuul u diiday tukashada Salaada

Image

NAIROBI, Kenya – Maxkamad ayaa xukmisay in ardayda Muslimiinta ah ee dhigata Dugsiga Visa Oshwal Academy ee ku yaala xaafada Parklands ee magaalada Nairobi in ay Salaada ku dhex tukan karaa gudaha iskuulkaasi.

Xukunkaasi ayaa ka dambeeyay markii maamulka iskuulka uu soo rogay sharci cusub oo ka mamnuucaya ardayda Muslimiinta ah in aysan ku oogi karin gudaha dugsiga Salaada inta ay goobtaasi waxbarasho ku sugan yihiin.

Sharcigaasi ayaa soo ifbaxday markii weerar lagu ekeeyay xarunta ganacsi ee Westgate sanadkii 2013-kii, halkaasi oo ay Al-Shabaab ku dishay tobanaan ruux oo u badan shacab u soo tukaameysi doontay.

Sidda ay sheegeen waalidiinta, ardayda Muslimiinta ah ayaa sidoo kale loo diiday in cunto u doontaan gurigooda kahor inta aysan xiisadaha galabkii aysan bilaaban, taasi oo aanan horey u jirin.

"Waxaa lagu faray in ay kasoo qadeeyana hoygooda taasi oo aanan jirin markii hore," ayay ku doodayaan waalidiinta, sidda ay kasoo xigteen warbaahinta maxaliga ah ee wadanka Kenya.

Guusha ay gaaraan ardayda Muslimiinta ah ayaa timid ka gedaal markii Gole Sare ee Muslimiinta Kenya ay cabasho u gudbiyeen maxkamada, taasi oo ugu dambeyntii soo saartay xukunkaan ay ku farxeen.

Qaar kamid ah madaxda Kenya oo horey u cambaareeyay sharciyadaasi ayaa bogaadiyay xukunka Maxkamada, oo ay si lamid ah so dhaweeyeen shacabka Muslimiinta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM