Baarlamaanka Ghana oo baabi'iyey xukunka dilka toogashada

Image
Go'aankan ayaa badbaadin doonaa 170 rag ah iyo lix dumar ah oo ku xukunaa in la daldalo.

ACCRA Ghana - Baarlamaanka dalka Ghana ayaa u codeeyay in la baabi'iyo xukunka dilka ah, iyadoo dalkan uu ku biiray liiska dheer ee dalalka Afrikaanka ah ee sidan oo kale sameeyay sannadihii u dambeeyay.

Waddankan waxaa hadda dil ku xukuman 170 rag ah iyo lix dumar ah, kuwaas oo xukunkooda hadda lagu bedeli doono xabsi daa’im. Dilkii ugu dambeeyay wuxuu dhacay 1993-kii.

Ciqaabta dilka toogashadda ah ayaa ahaa xukunka qasabka ah ee dilka gudaha Ghana. Balse, go'aankan cusub waxa uu badbaadin doonaa dad badan oo tiirka lasoo taagi lahaa.

Ra'yi uruurin ay sameeyeen hay'ado madax-banaan ayaa waxay soo jeedinaysaa in badi dadka Ghana ay oggolaadaan baabi'inta ciqaabta dilka toogashadda ah.

Sannadkii hore toddobo qof ayaa lagu xukumay dil toogasho ah dalka Ghana – balse midna lama daldalin. Dadka lagu helo khiyaano qaran ayaa sidoo kale waxay kamid yihiin dambiyada dilka lagu muteysto.

Hindise sharciyeedka wax ka bedelka sharciga dambiyada waxaa soo gudbiyay mudane Francis-Xavier Sosu waxaana uu taageero ka helay guddiga baarlamaanka ee dastuurka, sharciga iyo arrimaha baarlamaanka.

Benin, Central African Republic, Chad, Equatorial Guinea, Sierra Leone iyo Zambia ayaa horey usoo saarey qaraaro noocaan oo kale ah waxaana ay sacabo-tun ka heleen qaar kamid ah hay'adaha xuquuqda aadanaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM