Bandow lagu soo rogay Jigjiga iyo wararkii ugu dambeeyay ee DDSI

Image

JIGJIGA - Hay'addaha nabad-gelyadda dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa Bandow kusoo rogay caasimadda maamulkaasi, ee Jigjiga, sida ay xaqiijiyeen shacabka ku nool magaaladda.

Laamaha amaanka ayaa sheegay in talaabani ay ka dambeysay kadib markii ay ka war-heleen inay socdaan abaabulka Banaan-baxyo wayn oo la sheegay in la qorsheeyey inay ka qabsoomaan caasimadda DDSI.

Booliska ayaa sheegay in xubnaha diyaariyey Dibad-baxa ay yihiin taageerayaasha Madaxwaynihii hore ee dowlad degaanka, Cabdi Maxamuud Cumar [Cabdi Illey], kaasoo gacanta ciidamada Federaalka hadda ku jira.

Dhaqdhaqaaqa shacabka ayaa la xadidday, waxaana dadka rayidka ah aanan loo ogolayn inay ku socdaan magaaladda waqti badan, iyadoo sababta ku sheegeen Booliska xaqiijinta amniga iyo soo celinta kala dambaynta.

Xaaladda magaaladda Jigjiga ayaa lagu soo waramayaa inay tahay mid degan, inkastoo hadalhaynta ugu badan ay tahay hadal ay shalay sheegtay Hooyadda Cabdi Illey oo ah in wiilkeeda lagu Jirdilayo xabsiga uu ku xiran yahay ee ku yaalla Addis Ababa.

Cabdi Illey ayaa waxaa la xiray dabayaqaadda bishii hore ee Agoosto, waxaana lagu soo eedeeyay inuu ku tuntay xuquuqda Aadanaha, waxaana loo madalsan yahay in maxkamad lasoo taago marki labaad Jimcaha soo socota.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM