Bandow lagu soo rogay Jigjiga iyo wararkii ugu dambeeyay ee DDSI

Image

JIGJIGA - Hay'addaha nabad-gelyadda dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa Bandow kusoo rogay caasimadda maamulkaasi, ee Jigjiga, sida ay xaqiijiyeen shacabka ku nool magaaladda.

Laamaha amaanka ayaa sheegay in talaabani ay ka dambeysay kadib markii ay ka war-heleen inay socdaan abaabulka Banaan-baxyo wayn oo la sheegay in la qorsheeyey inay ka qabsoomaan caasimadda DDSI.

Booliska ayaa sheegay in xubnaha diyaariyey Dibad-baxa ay yihiin taageerayaasha Madaxwaynihii hore ee dowlad degaanka, Cabdi Maxamuud Cumar [Cabdi Illey], kaasoo gacanta ciidamada Federaalka hadda ku jira.

Dhaqdhaqaaqa shacabka ayaa la xadidday, waxaana dadka rayidka ah aanan loo ogolayn inay ku socdaan magaaladda waqti badan, iyadoo sababta ku sheegeen Booliska xaqiijinta amniga iyo soo celinta kala dambaynta.

Xaaladda magaaladda Jigjiga ayaa lagu soo waramayaa inay tahay mid degan, inkastoo hadalhaynta ugu badan ay tahay hadal ay shalay sheegtay Hooyadda Cabdi Illey oo ah in wiilkeeda lagu Jirdilayo xabsiga uu ku xiran yahay ee ku yaalla Addis Ababa.

Cabdi Illey ayaa waxaa la xiray dabayaqaadda bishii hore ee Agoosto, waxaana lagu soo eedeeyay inuu ku tuntay xuquuqda Aadanaha, waxaana loo madalsan yahay in maxkamad lasoo taago marki labaad Jimcaha soo socota.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM