Bandowga Ebolaha: Uganda oo soo xaglo laabanaysa

Image
Madaxweyne Musavani ayaa dhanka kale mamnuucay in dadka dawo dhireedka wax ku daaweeya.

KAMPALA, Uganda - Qeylo-dhaanta cudurka Ebolaha iyo faafitaankiisa ayaa aad isu soo taraysa xilli foojignaanta laga qabo ay aad u yaryahay guud ahaan gobolka Bariga Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Balse dowladda Uganda ayaa u muuqata in aysan sahashanaynin cudurkani, qaadaysana talaabo kasta oo looga hortagi karo ama lagu xakamayn karo cudurkani dilaaga ah. Waxa ay dowladda haatan soo rogtay Bandow 21 maalmood soconaya oo habeenkii ahaa sida uu amar ku bixiyay madaxweynaha dalkaasi Yuweri Musavani.

Waxaa albaabada loo laabay goobaha cibaadada, baararka qamriga lagu cabbo, iyo suuqyada iyo dhammaan meelaha ay dadka isugu imaadaan.
Waxaa kale oo la xayiray dhaqdhaqaaqa faras-magaalada caasimadda mudadaas 21-ka maalmood ah, halkaas oo aysan jirin cid ka bixi karta ama soo geli karta.

“Haddii aad ku sugantahay degmooyinka Mubende iyo Kassanda, halkaaga iska jog 21-da maalmood ee soo socota” ayuu yiri Yuweri Musavani.
Wasaaradda caafimaadka Uganda ayaa sheegtay in 19 qof ay u dhinteen cudurka, 58 kalena isbitaalada loo dhigay.

Madaxweyne Musavani ayaa dhanka kale mamnuucay in dadka dawo dhireedka wax ku daaweeya, isaga oo booliiska amray in ay soo xiraan qofkii lagu arko isaga oo dawo dhireed qof xanuunsan ku daaweynaya.

Waxaa sidoo kale booliiska la amray in ay soo xireen qofka laga helo astaamaha cudurka, haddana diida in uu karantiil galo.
Astaamaha Ebola ayaa waxaa ka mid ah xummad, mantag, dhiig iyo shuban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM