Kenya: Barasaab eryay in ka badan 3,000 "shaqaalo rooxaan ah"

Image
Talaabadan ayaa ka dhalatay kadib markii baaritaan lagu sameeyay liiska mushahar bixinta.

NAIROBI, Kenya - Guddoomiyaha magaalada Gaarisa ee dalka Kenya ayaa wuxuu amar ku bixiyay in meesha laga saaro in ka badan 3,000 oo magacyo been abuur ah oo ku jiray liiska mushaar bixinta.

Magacyada ayaa, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee waddankaas, waxaa la ogaaday kadib baaritaan lagu sameeyay shaqaalaha kaasoo socdey muddo dheer.

Waxa kale oo la ogaaday in agaasimayaasha iyo ku xigeenadooda intooda badan loo shaqaaleysiiyay waaxaha madaxda iyaga oo aan haysan shahaadooyin jaamacadeed oo qasab ah.

"Ilaa 100 darawal ayaa la shaqaaleysiiyay haddana gobolku wuxuu leeyahay 12 baabuur oo keliya waaxda gaadiidka," ayuu yiri qof si dhow ula socdey natiijadda baaritaanka.

Guddoomiye Natiif Jaamac ayaa sheegay in la magacaabay guddi shaqo oo dadka ka cabanaya xil ka qaadista xaqdarada ah ay ku soo bandhigi karaan arrintooda.

Talaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladda cusub ee Kenya ay wacad ku martey in ay si adag ula dagaalami doonto musuqmaasuqa iyo waliba wax kasta oo is-dabamarin.

Dadka Kenya ayaa si weyn kaga cabanaya shaqo la'aan. Madaxwayne William Ruto wuxuu la yimid qorshe dhaqaale loogu abuurayo dadkan kuwaasoo u badan dhalinyaro wax bartey oo aan shaqeyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM