Blinken oo Nairobi kula kulmaya madaxda Urur Goboleedka “IGAD”

Image
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken oo kasoo degay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi dalka Kenya. SAWIRRKA |WASAARADDA DIBADDA KENYA

NAIROBI- Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa lagu wadaa inuu la kulmo madaxda urur goboleedka IGAD, taasoo qayb ka ah dadaallada uu ugu jiro sidii uu nabad looga dhalin lahaa Geeska Afrika.

Blinken ayaa subaxnimadii Arbacada (1.20am EAT) diyaaradiisu soo cagadhigayey gegida caalamiga ah ee Jomo Kenyatta International Airport ee caasimada Kenya ee Nairobi si uu u dhameystiro kulamo uu la yeelan doono Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ka dhici doona Aqalka Madaxtooyada iyo dhiggiisa Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo.

Blinken ayaa horay u sheegey inuu kala hadli doono madaxda gobolka arimaha amniga, isbeddelka cimilada, arrimaha dimuqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka inta uu ku guda jiro safarkiisa Afrika. Waxaa kaloo lagu wadaa inuu booqdo Nigeria iyo Senegal.

Wadahadalka ayaa inta badan diirada saari doona dalka Itoobiya.

Ka dib sanado dagaal sokeeye ee ka dhacay gobolka Tigray Itoobiya, hogaamiyayaasha ayaa ku baaqayay wadahadal iyo in xal nabadeed lagu dhameeyo dagaalada guul la’aanta ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM