Blinken: Itoobiya ma jireyso hadii Abiy dagaalka joojin

Image

Abuja, Nigeria - Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa Jimcihii ka digay in dagaalka Tigray uu Itoobiya u horseedayo "wadadii burburka" lagana yaabo inay saameyso dhacdadaan bariga Afrika oo dhan, sidaas waxaa uu u shegeey CNN. Blinken ayaa intaas raaciyey in hoggaamiyaha dalkaas, Abiy Axmed ay waajib ku tahay inuu fuliyo" mas'uuliyadda" saaran si loo  joojiyo rabshadaha.

Blinken oo u waramayay CNN isagoo ku sugan magaalada Abuja ee dalka Nigeria, ayaa waxa uu yiri "waa lama huraan in dagaalku istaago, oo hadalku bilaabmo" wuxuuna ku celceliyay baaqiisa ku aadan xabad joojin waqti dheer ah si loo suurtageliyo gargaarka bini'aadantinimo.

"Tani waa inay sida ugu dhaqsaha badan u dhacdaa - maalin kasta oo ay dhaafto, waxa aan aragno waa kororka xiisadaha beeleed oo runtii halis u ah inuu kala go' dalku," ayuu yidhi Xoghayaha arimaha dibada. 

Blinken ayaa ku booriyay RW wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed inuu isu keeno dhinacyada is haya oo uu ka shaqeeyo sidii loo "joojin lahaa rabshadaha," isagoo raaciyay: "Taasi waa mas'uuliyadd saaran hoggaanka dalka."

"Ma jirto xal ciidan oo lagu xalinayo caqabadaha ka jira Itoobiya," ayuu yidhi. “Taasi waa dariiq burbur u ah dalka, iyo darxumo u soo hoyatay shacabka Itoobiya.” ayuu hadalkiisa sii raacaadey Xoghayaha arimaha dibada Dowladda Mareykanka.

Maamulka Biden ayaa todobaadkii hore cunaqabateyn ku soo rogay militariga Eritrea iyo xisbiga kaliya ee dalkaas ka jira  kadib markii ay ku lug yeesheen qalalaasaha ka dhacey waqooyiga Itoobiya.  Blinken ayaa walaac ka muujiyay "suurtagalnimada in Itoobiya gaarto heer aan waxba laga qaban Karin ."

Dowladda Mareykanka ma aysan beegsan shaqsiyaad ama hay’ado si toos ah ugu xiran dowladda Itoobiya ama jabhadda (TPLF) oo ah xisbigii hore ee talada hayay , kuwaas oo ah  labada dhinac ee ugu waaweyn colaadda.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM