Boqor Itoobiyaan ahaa oo Timihiisa dib loo soo celiyey

Image

UK - Matxafka ciidamada dalka Ingriiska, ayaa ogolaadey iney dib ugu soo celiyaan Itoobiya xantoobo Timo ah oo ku taaley boqor Tewodros II, kaas oo dalkaas ka jirey 150 sano ka hor.

Boqor Tewodros ayaa is diley kadib markii uu diidey inuu isu dhiibo ciidamada Ingriiska 1868 markii looga adkaadey dagaal ka dhacey halka la yiraahdo Maqdala.

Ingriiska ayaa burburiyey xaruntiisa boqortooyada waxayna qaniimadii taaley ku gurteen dameero iyo Awr.

Dalka Itoobiya ayaa muddo olole ugu jirey sidii dib loogu soo celin lahaa waxyaalihii taarikhiga ahaa ee lagu bililiqeystey xaruntaas.

Waxay kaloo rabaan in dib looga soo celiyo aqalka boqortooyada Dalka Ingriiska  “Windsor” lafihii wiil uu dhaley boqorkaas oo la oran jirey Aleamyehu kaas oo yaala Matxaf ( Museum) ku yaal dhismahaas.

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM