Boqor Itoobiyaan ahaa oo Timihiisa dib loo soo celiyey

Image

UK - Matxafka ciidamada dalka Ingriiska, ayaa ogolaadey iney dib ugu soo celiyaan Itoobiya xantoobo Timo ah oo ku taaley boqor Tewodros II, kaas oo dalkaas ka jirey 150 sano ka hor.

Boqor Tewodros ayaa is diley kadib markii uu diidey inuu isu dhiibo ciidamada Ingriiska 1868 markii looga adkaadey dagaal ka dhacey halka la yiraahdo Maqdala.

Ingriiska ayaa burburiyey xaruntiisa boqortooyada waxayna qaniimadii taaley ku gurteen dameero iyo Awr.

Dalka Itoobiya ayaa muddo olole ugu jirey sidii dib loogu soo celin lahaa waxyaalihii taarikhiga ahaa ee lagu bililiqeystey xaruntaas.

Waxay kaloo rabaan in dib looga soo celiyo aqalka boqortooyada Dalka Ingriiska  “Windsor” lafihii wiil uu dhaley boqorkaas oo la oran jirey Aleamyehu kaas oo yaala Matxaf ( Museum) ku yaal dhismahaas.

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM