Buhari oo mar kale ku guulaystay madaxweynenimada Nigeria

Image

Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa mar kale loo doortay madaxweynenimada Nigeria, sida ay muujinayso natijada kama dambaysta ah ee doorashadii Sabtidii dhacday.

Hoggaamiyahan 76 jirka ah ayaa ka guulaystay madaxweyne ku xigeenkiisii hore Atiku Abubakar, isaga oo kaga badiyay wax ka yar afar milyan oo cod.

Xisbiga Abubakar ee PDP ayaa qaadacay natiijada.

Dib u dhac ku timid codaynta iyo rabshado ayaa hadheeyay doorashada, balse kormeereyaasha madax bannaan ma aysan soo sheegin wax isdabomarin.

Xisbiga madaxweyne Buhari ee APC ayaa ku guulaystay 19 oo ka mid ah 36-da gobol ee dalkaasi uu ka kooban yahay.

Dadka doorashada u soo baxay ee codaynta u diiwaan gashanaa ayaa noqonaya 35%, guddiga doorashaduna wuxuu natiijada kama dambaysta ah ku dhawaaqi doonaa Arbacada.

Waa kuma Buhari?

Wuxuu horay uga soo mid noqday milatariga, Buhari ayaana xukuumad milatari ah madaxweyne ka ahaa 20 bilood 1980yadii, sannadkii 2015kiina wuxuu noqday madaxweynihii u horreeyay ee isaga oo mucaarad ah doorasho kaga guulaysta hoggaamiye xilka haya.

Dadka buhaari dhaliila ayaa ku eedaynaya in uu u janjeero dhanka kali talisnimada iyo waxyaabo kale.

Balse dadka taageersan ayaa u arka in uu ka soo baxay waxyaabihii uu ku ol'olaystay markii koobaad kuwaas oo ay ka mid yihiin la dagaalanka musuqmaasuqa iyo uruka Bookoo Xaraam, balse waxaa ku adag iyo in tilmaamaan horumar la taaban karo oo dhinacyada kale ah.

 BBC

Related Articles

In ka badan 100 caruur agoon ah loo sameynayo aroos wadareed

Talaabadan ayaa carro xooggan waxa ay ka dhalisay guud ahaan waddanka Nigeria.

  • Afrika

    18-05-2024

  • 03:35AM

Itoobiya oo cambaareysay hadal kasoo yeeray Mareykanka

Xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegtay in aan lagala tashan hadalada kasoo yeeray Washington.

  • Afrika

    17-05-2024

  • 03:43AM