Burkina Faso: In ka badan 30 qof oo lagu dilay weerar jid-gal ah

Image
Koox gacansaar la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa la tuhunsan yahay in ay ka dambeysay falkan.

OUAGADOUGOU, Burkina Faso — Qarax wadada dhinaceeda la dhigay ayaa lagu weeraray kolonyo gaadiid ah oo marayey waqooyiga dalka Burkina Faso, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 35 qof halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Kolonyada saadka ah ee ay ciidanku galbinayeen ayaa la beegsadey Isniinta maanta ah xilli ay marayeen inta u dhaxaysa magaalooyinka Bourzanga iyo Djibo.

Mid ka mid ah baabuurtaasi waxaa saarnaa dad rayid ah, sidda uu sheegay guddoomiyaha gobolka Saaxil, Lt. Col. Rodolphe Sorgho oo soo saarey war-saxaafadeed rasmi ah.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayuu sheegay in la daadgureeyay lana dhigay isbitaal maxali ah, waxaana la adkeeyay ammaanka goobta uu qaraxa ka dhacay.

Inkastoo aysan jirin koox si deg deg ah u sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, haddana waxaa la tuhunsan yahay inay ka dambeeyaan kooxaha xagjirka ah ee Islaamiga ah.

Burkina Faso ayaa waxaa halakeeyay rabshado ay geysanayaan koox jihaad-aloosyaal ah oo xiriir la leh Al-Qacida iyo kooxda Daacish oo kumannaan lagu dilay.

Waa qaraxii shanaad ee ka dhaca gobolka Soum tan iyo bishii Ogosto, gaar ahaan agagaarka Djibo, oo ay go’doomiyeen mitidiinta muddo bilo ah, sida lagu sheegay warbixin amniga gudaha ah oo shaqaalaha gargaarka ay aragtay wakaaladda AP.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM