Cabdi Illey oo Maxkamad lasoo taagey iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

ADDIS ABABA - Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamed Cumar [Cabdi Illey] iyo lix xubnood oo kamid ahaa maamulkiisa, oo labo maalin kahor laga qaadey xasaanadii ay ku lahaayeen Baarlamaanka ayaa maanta lasoo taagey maxkamad.

Cabdi Ilay ayaa waxaa Xabsi dhigay Isniintii ciidamadda Booliska ee dalka Itoobiya, kuwaasoo kala soo baxay Guri uu ka deganaa Addis Ababa, oo ku dhaw Atlas Hotel, xili laga soo helay Qoryo AK 47 iyo Bastoolado.

Xeer-ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in Cabdi Ilay loo haysto eedaymo ku saabsan inuu ku tuntay xuquuqda Aadanaha, ku tagri-fal awoodeed iyo inuu door firfircoon ka ciyaaray Rabasho ka dhacay dowlad degaanka. 

Meelaha laga soo wariyay Rabshadaha waxaa kamid ah magaaladda Jigjiga ee xarunta DDSI, halkaasoo la sheegay in dad isugu jira Soomaali iyo Qowmiyadaha ee kale ee Itoobiya lagu dilay markii Milatariga Federaalka ay qabsadeen halkaas bishii hore.

Talaabadda lagu xiray Cabdi Ilay waxaa si wayn usoo dhaweeyay Jabhadda xorraynta Soomaali Galbeed iyo waliba Hay'adda arrimaha Xuquuqul Insaanka uqaabilsan Ururka Qaramadda Midoobay ee HWR, kuwaasoo ku tilmaamay talaabo dhanka cadaaladda loo qaaday.

Wakaaladda wararka u faafisa dowladda Itoobiya ee FANA oo warka ku aadan in Cabdi Ilay uu maanta kasoo muuqday Maxkamad isaga iyo mas'uuliyiintii kale ee shalay la xiray.

Xubnaha kale ee Maxkamadda lala soo taagey Cabdi Illey:

  1. Abdijamaal Kelonbi- Wasiirkii Cadaaladda ee DDSI,
  2. Raxmo Maxamed – Wasiirkii haweenka iyo caruurta,
  3. Ibrahim Mahdi - Wasiirkii Waxbarashada,
  4. Deeq Cabdulaahi – Ku xigeenkii wasiirka horumarinta Biyaha,
  5. Ibrahim Mohammed Mubarek – Duqii Jigjiga
  6. Cumer Cabdi – Madaxii arrimaha siyaasadda ee xisbiga (ESPDP)

Xubnaha shalay loo taxaabay xabsiga oo isugu jira Xilldhibaano iyo Wasiiro xasaanada laga qaaday ayaa dhankooda wajahaya eedaymo ku saabsan kicin dadwayne, abaabulka Rabasho iyo isku dirka Qowmiyadaha kala duwan ee dalka Itoobiya, gaara ahaan Soomaalida iyo Oromada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM