Cabsida Abiy Axmed in TPLF qabsato Itoobiya oo korortay

Image

ADDIS ABABA - Waxaa walaaca kusii kordhaya Abiy Axmed kadib markii TPLF ay labo maalin gudahooda la wareegtay labo magaalo oo katirsan gobolka Amhara, wuxuuna qaylo dhaan u jeediyay shacabka dalkiisa.

Abiy Axmed ayaa ugu baaqey shacabka inay hubka qaataan, islamarkaana ay kahor tagaan is-fidinta iyo dhul-la-wareegidda TPLF kawado waqooyiga dalka, iyadoo kusii jeeda Addis Ababa.

"Awoodiina mideeya, oo qaata wax walboo aad awoodaan inaad uga hortagtaa TPLF, si aysan dalkiina adinka burburin," ayuu yiri Abiy Axmed, isagoo intaasi ku darey in Tigreedu ay qorteen askar badan oo diyaar u ah inay u dhintaan mabda'ooda qabsashada dalka.

Abiy wuxuu sheegay in dowladiisa ay ka go'an tahay inay difaacdo dalka, islamarkaana Ciidamada ay wadaan howlgallo duqeymo ah oo lagu wiiqayo awoodda TPLF iyo is-ballaarinta ay kawado Amhara.

Waa markii labaad oo Abiy shacabka ugu baaqo inay hubka qaataan, kuna biiraan dagaalka ka dhanka ah TPLF sanadkan gudihiisa, iyadoo uu dareemayo in Ciidanka qaranka u baahan yihiin taageero dadka degaanka.

Hadalka Abiy ayaa imaanaya xili shalay at TPLF la wareegtay magaaladda Kombolcha oo noqotay midii labaad oo tan iyo Sabtdiid qabsatay, iyadoo horey u haysatay dhowr magaalo oo ugu dambeysay Dessie.

Dhanka kale, malleeshiyaadka Oromada iyo kuwa Amhara ayaa billaabay is-difaacid, iyagoo ka saarey TPLF degmada Kemise oo 53-KM Koonfur uga beegan Kombolcha, taasoo dhacda wadada aada Addis Ababa.

TPLF ayaa kasoo gudubtay gobolka Tigray, oo dhawaan Ciidanka dowladda kasoo baxeen, waxayna hogaamiyeyaasheeda ku goodiyeen inay tagi doonaan Addis Ababa, mana la oga inay taasi suurta-gal noqon karta.

Itoobiya ayaa lugaha lasii galaysa dagaal sokeeye, waxaana gobollada waqooyi ka socda dagaal qowmiyadeed, iyadoo dowladda ay taageero siinaysa Ciidamada maamullada TPLF ku duushay, ee Amhara, Afar iyo Oromia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo cambaareysay hadal kasoo yeeray Mareykanka

Xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegtay in aan lagala tashan hadalada kasoo yeeray Washington.

  • Afrika

    17-05-2024

  • 03:43AM

Mareykanka oo soo farageliyay colaadda ka taagan gudaha Itoobiya

Isku-dhacan ayaa u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo falaagada fano ee gobolka Amxaarada.

  • Afrika

    16-05-2024

  • 03:34AM