Caro ka dhalatay madaxwayne u daawasho tagaya koobka aduunka

Image
Hogaamiyahan oo horey u soo ahaa ciyaaryahan ayaa talaabadan qaadaya xilli dadkiisu wajahayaan cunto yari.

MONROVIA, Liberia - Madaxweynaha Liberia George Weah ayaa ku wargeliyay Aqalka Senate-ka ee waddankaas inuu qorsheynayo inuu muddo sagaal maalmood ku sugnaado Qatar si uu u daawado ciyaaraha kubadda cagta adduunka.

Mr Weah- oo ahaa ciyaaryahankii hore ee kubadda cagta - ayaa dalka ka dhoofay todobaadkii hore isagoo safaro badan oo dibadda ah ku tagay, balse lama shaacin dhammaan qorshayaashiisa.

Wiilkiisa Timothy, oo Mareykan ah, ayaa ka mid noqon doona xulka Mareykanka ee ka qeyb galaya tartanka Koobka Adduunka, kaasoo bilaaban doona 20-ka November.

Weah ayaa u soo ciyaaray kooxaha ugu sareeya Yurub oo ay ku jiraan AC Milan iyo Chelsea. 56-jirkan ayaa shaqadiisa ka wareegay, waxaana loo doortay madaxweynaha Liberia sannadkii 2017-kii.

Wararka ku saabsan safarka madaxweynaha ee dalka dibadiisa ayaa ka caraysiiyay dad badan oo reer Liberia ah, qaarkood waxaa ay ka dhaliileen barnaamijyo idaacadaha iyo baraha bulshada.

Waxa ay sheegeen in aan laga fiirsan doonin in madaxweynaha uu tago Qatar xilli dad badan ay la tacaalayeen cunto yari curyaamisay, iyo hubanti la’aanta ku aaddan qabsoomida tirakoobka dadka oo dib u dhac weyn ku yimid, kaasoo Mr Weah uu dib u dhigay dhawaan markii lixaad.

Shaqaalaha Mr Weah - oo aan ka jawaabin su'aalaha ku saabsan kharashka safarka - ayaa dib u weeraray dadka dhaleeceynaya, iyagoo sheegay in booqashooyinka dibadda ee madaxweynaha ay "u soo saari doonaan faa'iido badan" dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM