Caro ka dhalatay mudane ku kaftamay xiliga caadada dumarka

Image
Xildhibaanka ayaa tusaalahan soo qaatay xilli uu doonayay in uu difaaco haweenay.

NAIROBI, Kenya - Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa buuq iyo sawaxan ka dhex abuuray fadhiga golaha iyo baraha bulshada, kaddib markii uu jeediyay hadal u muuqday mid ku sarbeebayo in sababta haweenay loo soo magacaabay xil wasiirnimo dib loogu celiyay ay tahay iyadoo laga yaabo inay ku jirto xilliga caadada.

Peninah Malonza waxa ay u sharaxan tahay jagada Wasiirka Dalxiiska, Duurjoogta iyo Dhaxalka waxaana guddi baarlamaani ah ay ku taliyeen in la diido.

Fadhi ay yeesheen baarlamaanka oo dhan ayaa si kastaba ha ahaatee meesha looga saarey diidmadaas, waxaana hadda loo fasaxay in loo magacaabo jagadaas.

Guddiga ansixinta baarlamaanka ayaa sheegay in go’aanka lagu diiday Ms Malonza uu ahaa kadib markii ay ku guuldareysatay inay guddiga u soo bandhigto aqoonta ay u leedahay arrimaha wasaaradda.

Isaga doonaya in uu difaaco Ms Malonza, xildhibaanka sheegay hadalka buuqa dhaliyey ayaa si kaftan ah ugu dhaleeceeyay xubnaha guddiga ansixinta in ay wasiirada ka weeyaan soo jiidasho "maadaama laga yaabo in ay ku jirtey waqtiga caadada". 

"Diidmada waa in ay ahaataa arrimo muhiim ah... ma aha arrimaha soo jeedinta guddiga, laga yaabee in aysan si fiican u labisan, laga yaabee in ay ku jirtay xilliga caadada," ayuu yiri xildhibaan Silvanus Osoro.

Haweeney sharci-dejiye ah oo ka carootay dhawaqaas ayaa ugu baaqday xildhibaannada inay ka fogaadaan ​​arrimaha noocaan ah ee "jees jeeska ah marka ay ka doodayaan kartida haweenka".

"Kuma lifaaqi kartid arrimaha haweenka dareenkeena, shucuurteena, caadada, iyo maalintaas ma aynaan kqsoo toosin dhinaca midig ee sariirta, taasina waa sababta aanan si sax ah uga jawaabin su'aalaha," ayay tiri xildhibaan Naisula Lesuuda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM