Ciidamada Burkina Faso oo gudaha u galay dalka Niger

Image

NIAMEY, Niger - Cutubyo ka tirsan ciidamada Burkina Faso ayaa maanta soo gaaaray dalka Niger, iyaga oo qaadan doona tababar lagu horumarinayo awooda ciidamada labada wadan ee dhanka la dagaalanka argagixisada.

Golaha militariga Niger ee talada haya ayaa sheegay in cutubyada ka tirsan ciidamada Burkina Faso ee la keenay dalka Niger aysan weerar ku aheyn kooxda ECOWAS.

Bishii Agoosto ee la soo dhaafay, Ciidamada ku kacay afgambiga milatari ee Niger ayaa u ogolaaday ciidamada dariska ah ee Burkina Faso iyo Mali si ay u soo farageliyaan Niger "haddii ay dhacdo in lagu soo xadgudbo."

Ku dhawaaqistan ayaa timid gebagebadii booqashadii Wasiirka Arrimaha Dibadda Burkina Faso, Olivia Rumba iyo dhiggeeda Mali, Abdoulaye Diop, ay ku tageen Niamey, halkaasoo uu ku qaabilay hogaamiyaha cusub ee dalkaas Abderrahmane Chiane.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM