Ciidamada cirka Ethiopia oo bilaabay duqaymo ka dhan ah Jabhada Oromada

Image

ADDIS ABABA - Ciidamada cirka ee Ethiopia ayaa weeraro cirka ah ka bilaabay Aagga Qellem Wellega iyo degaanada ku teedsan oo ku yaala Galbeedka gobolka Oromada, sida warkayska Addis Standard uu kasoo xigtay saraakiil milatari.

Duqaymaha ayaa lala beegsanayaan Saldhigyada tababarka oo ay leedahay Jabhadda xorreynta Oromada ee OLF iyo Dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Shane Group, ee xiriirka la leh Ururka kale.

Howlgalka ayaa bilowday aroornimadii Isniinta maanta ah. Lama ogga inta ay ciidamadu sii wadi doonan gulufkaan. Balse, waxay imaaneysaa tani markii shalay la dhacay Bankiga ganacsiga Itoobiya iyo midka Iskaashiga gobolka Oromada.

Kooxda dhaca geystay oo sheegatay inay ka tirsan yihiin OLF ayaa horey ukaxeystay shaqaalaha Bankiga, oo ay ku jiraan labo maamule, inkasta oo aanan la hubin hadii howlwadeena ay kamid yihiin labada Banki.

General Berhanu Jula, taliye ku xigeenka ciidamada difaaca, oo wariyaasha u waramay Jimcadii, wuxuu ku eedeeyay Jabhada xorreynta Oromada inay khal-khal amni ka bilwoday degaanka bilooyinkii lasoo dhaafay.

"Balse, kadib faragelin ciidamada Federaalka, xaalada waxay kusoo laabatay si caadi ah," ayuu Taliye ku xigeenka daba dhigay hadalkiisa.

Dhinaceeda, Ururka OLF ayaa ku dhaliishay ciidamada Federaalka inay gobolka ka fulinayaan howlgalo "sharci darro ah", halkaasi oo xoogaga Jabhada ay ku sugan yihiin.

Ururada OLF iyo SG oo uu hogaamiyo Dawud Ibssa, ayaa kamid ah mid kamid ah kooxaha heshiiska nabada la galay xukuumada Abiy Axmed, kuwaasi oo loo ogolaaday inay soo noqdaan iyo inay si nabad-gelyo ah usameeyaan halgankooda.

Si kastaba ha ahaatee, arrimuhu umuuqdaa is-jiid-jiid udhaxeeya OLF iyo dawlada, kuwaasi oo midba kan kale uu ku eedaynayo inuu xadgudbay heshiiskii nabadda, kaas oo aan horay loogu soo bandhigin dadweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM