Ciidamada Eritrea oo la sheegay in ay ka baxayaan Tigrey 

Image
Shacabka Tigreega ayaa ciidankan si gaar ah ugu eedeeyay gaboodfalo kala duwan.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dad ka shaqeeya samafalka iyo goobjoogayaal ayaa sheegaya in ay arkeen kolonyo ciidamada Eritrea oo ka baxaya qeybo ka mid ah gobolka Tigree ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay qeyb ka ahaayeen duulaankii ciidamada Itoobiya ku qaadeen gobolkaasi oo ay qabsatay falaagada TPLF.

Ciidankan oo gacanta u haadinayay dadka ayaa ka baxay magaalooyinka Shire iyo Axum, iyaga oo u dhaqaaqay dhanka xuduuda dalkooda.

Wasiirka warfaafinta Itoobiya Gatachew Gebremeskel iyo afhayeenka TPLF Mr Reda ayaanan labada xaqiijin bixitaanka ciidanka Eritrea.

Arrintan Ayaa ka dambeysay kadib heshiis Xabad joojin iyo nabad ah oo dhexmaray dowladda Itoobiya iyo jabhadda TPLF.

Heshiiskan qeyb kama Aysan ahayn dowladda Eritrea oo dabcan horey u inkirtay in Ay ciidamadeeda joogaan Itoobiya, kana fogaanaysay in hadhoow lagu soo oogo dacwado xasuuq sida ay sheegeeyaan xeeldheereyaasha xiriirka caalamiga ah.

Shacabka Tigreega ayaa ciidankan si gaar ah ugu eedeeyay gaboodfalo kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM