Ciidamada ONLF iyo hogaanka Ururka ee ku sugan Eritrea oo ku soo laabanaya Ethiopia

Image

NAIROBI, Soomaaliya - ONLF ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsan jabhadda oo saldhiggoodu ahaa dalka Eritrea inay bilaabayaan inay toddobaadkan dib ugu soo laabtaan Itoobiya.

Ciidamadan ayaa soo gaari doonaa gobolka ismaamulka Soomaalida gaar ahaan magaalada Jigjiga maanta, 21-ka November, iyagoo u gudbi doona magaalooyinka Addis Ababa iyo Diridhaba.

Afhayeenka ONLF Cabdulqaadir Xasan Hirmooge “Caddaani” oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in dhamaan ciidanka Jabhadda ee ku sugan dalalka deriska dib loo soo celinayo.

"Marka hore Jigjiga ayaa ciidanka la geynayaa, kadibna waxaa la geyn doonaa meelaha kale ee Islaamulka Soomaalida iyo caasimadda Addis Ababa," ayuu yiri Afhayeenka.

Hirmooge ayaa xaqiijiyay in ONLF ay dhamaan hogaanka Ururka ay dhamaadka bishan ay tagi doonaan Jigjiga, halkaasi oo kadib uga soo gudbi gobollada kale iyo Addis Ababa.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada soo laabanaya ay gaarayaan boqolaal, kuwaasi oo qorshuhu yahay in lagu biiriyo ciidamada Federaalka Itoobiya, maadaama lasoo afjaray colaadda, oo ay heshiis la galeen Xukuumadda Abiy Axmed.

Dhinaca kale ONLF waxay sheegtay in colaaddii dhowaan ka dhacday magaalada Mooyaale ay kala hadleen dawladda Federaalka Itoobiya iyo maamulka Oromada.

ONLF ayaa kamid ah 3 Jabhad oo uu Abiy Axmed ka saarey liiska argagaxisadda markii uu talada Itoobiya la wareegay April 2018, waxaana lagu sameynayaa hubka dhigis iyo isku dhaf.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM