Ciidamada ONLF oo 20 sano kaddib ku laabtay Jigjiga

Image
Image
Image
Image
Image
Image

JIGJIGA, Itoobiya - Boqolaal kamid ah ciidamada Jabhadda xorreynta Ogaadeeniya ee ONLF ayaa ka degay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Jigjiga, halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen shacab iyo masuuliyiin.

Ciidamada oo aanan wadan hub ayaa lasoo kicitamay xarunta Eritrea ee Asmara, halkaasi oo ay ku sugnaayeen sanadihii udambeeyay balse isbedalka degaanka ka hanaqaaday ayaa soo dadejisay tani.

Qaar ka tirsan askarta oo dareenkooda si kooban ula wadaagay war-fidiyeenka ayaa shaaciyay inay ku farax-san yihiin, iyaga oo kaga mahad-celin madaxda dowlada Federaalka Itoobiya jihada wanaagsan oo ay qaadeen.

Dadwaynaha isku soo baxa soo dhawaynta ku jiray ayaa dhankooda waxay sheegeen in soo laabashada ONLF ay degaanka u horseedayso horumar iyo barwaaqo, ayna ka saareyso jawigii colaadda.

Talaabaddaan ayaa qayb ka ah isbedal balaaran oo uu hormuud ka yahay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, kaasi oo xafiiska la wareegay bishii April ee sanadkaan, kaasi oo gacan wanaagsan ufidiyey kooxaha mucaaradka ah.

ONLF ayaa dagaalo kharaar waxay kula jirtay dowladda Federaalka Itoobiya tan iyo 1991-dii, xili ay ku dhinteen boqolaal askar ah oo labada dhina ah iyadda ay intaas dheer tahay barakac baahsan oo ka dhashay.

Heshiis nabadeed oo ay ku kala saxiixdeen magaalada Asmara dhowaan ayaa soo dadejisay inay ONLF ciidamadeeda usoo daabushay Jigjiga, xili qodobada la kala saxiixday ay qayb ka tahay in jabhada ay noqon karto xisbi siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM