Ciidamada Tigray oo bilaabay in ay ka baxaan furimaha dagaalka

Image
Talaabadan ayaa waxay daba socotaa heshiiska nabadda ee Midowga Afrika uu dhexdhexaadiyey.

ADDIS ABABA, Ethiopia - In ka badan kala bar ciidamada Tigreega ayaa ka baxay jiida hore ee dagaalka, sidda uu shaaca ka dhigay taliyaha ugu sareeya Jabhadda Xoreynta Tigray ee TPLF oo ay soo xigatay warbaahinta caalamiga ah.

Talaabadan ayaa kusoo hagaagaysa hal bil kadib markii uu dhacay heshiis xabad joojin ah oo looga gol leeyahay in lagu soo afjaro colaadda labada sano ka socotay gobolka Tigray ee Itoobiya.

"Waxaan ku guuleysanay 65% ​​kala diristii ciidankeena," ayuu Tadesse Wereda oo ah taliyaha guud ee Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ku sheegay muuqaal la soo dhigay barta rasmiga ah ee Facebook-ga ee ciidamadan goor dambe oo Sabtidii ah.

Afhayeenka dawladda Itoobiya Legesse Tulu ayaan ka jawaabin codsi ku saabsanaa in uu caddeeyo mowqifka xukuumadda Addis Ababa ee ku aadan isbadalkan soo cusboonaadey.

Dagaal ayaa ka qarxay gobolka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya bishii Nofeembar 2020, isaga oo iska horkeenay ciidamada Tigrayga iyo ciidamada federaalka iyo xulafadooda oo ay ku jiraan dagaalyahannada gobolka Amxaarada ee xuduudka la leh Tigray iyo askarta Eritrea.

Labada dhinac ayaa waxay saxiixeen in si joogto ah loo joojiyo colaadda kadib heshiis nabadeed ee Midowga Afrika (AU) uu dhexdhexaadinayey November 2-dii ee gudaha Koonfur Afrika.

Heshiis kale oo ku saabsan hub ka dhigista dagaalyahannada TPLF, dammaanad qaadka helitaanka bini'aadantinimo iyo gelitaanka ciidamada Itoobiya ee caasimadda Tigreega ee Mekele ayaa ka dib November 12 lagu saxiixay Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo sheegtay inay iska difaacayso “duullaan ballaaran” oo Eritrea ku soo qaaday

Dagaallada dib u soo cusboonaaday ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in gobolka Geeska Afrika uu galo dagaal ballaaran.

  • Afrika

    10-10-2026

  • 11:27AM

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM