Ciidamo xoogan oo la midoobay Xoogaga Dacm-Sariic ee Sudan

Image
Image
Image
Image

KHARTUUM, Sudan - Ciidamada "Darc-Al Suudaan" oo xoogag ka dhisan gobalada dhexe ee dalkaasi Suudaan ayaa ku dhawaaqay in ay la midoobeen oo ay ku saf yihiin ciidamada "Dacm-Sariic" iyo gaar ahaan hogaamiyahooda, Maxamed Xamdaan Ximaydti.

Caaqilata Keykal oo ah Sarkaal sare oo hawlgab ciidamada Suudaan ah isla markaana ah taliyaha ciidamada ayaa isaga oo ku labisan tuutaha "Dacm-Sariic" waxaa uu ku dhawaaqay in ay la galeen "Bayco" hogaamiyaha xoogaga "Dacm-Sariic".

Ciidamadan oo lagu qiyaaso ugu yaraan in ka badan 20 kun oo askari ayaa la saadaalinayaa in ay cudud hor leh ku biirin doonaan safka Ximaydti.

Dagaalada Suudaan ayaa sii balaaranaya iyada oo laga digayo in ay isu badasho colaadu dagaal sokeeye oo Beelo iyo isir sifayn isu bedela taasi oo haatan gobalka Daarfuur laga diiwaan geliyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM