Ciidanka Faransiiska oo lala xiriiriyey xabaal-wadareedyo la arkay

Image
Howlgalkii Faransiiska hogaaminayey ayaa lala xiriiriyaa xasuuq ka dhan ah shacabka Muslimiinta ah.

BOMAKO, Mali - Wararka laga helayo dalka Mali ayaa sheegaya in xabaal wadareed laga helay meel u dhaw saldhig weyn oo ay ka guureen ciidamada Faransiiska ee wadankaas joogay sagaalkii sano ee lasoo dhaafay.

Milatariga wadankaas ayaa soo bandhigay xabaal wadareedka ay ku aasan yihiin tobanaan qof. Degmada Gossi ee dhacda waqooyiga Mali ayaa lagu arkay godad waaweyn oo lagu aasay dad loo gaystay xasuuq aad u daran.

Afhayeen u hadlay xukuumadda Mali ayaa sheegay in ay baarayaan heybta dadka la xasuuqay, ayna shaacin doonaan cidda falkaas foosha xun gaysatay.

Weerar sanadkii lasoo dhaafay ka dhacay degmadaas ayaa lagu dilay dad ka badan 300 oo ruux oo rayid ah kuwaas oo lagu eedeeyay in ay gacan saar la leeyihiin kooxda jihaadiyiinta ee ka dagaalanta dalkaas.

Milatariga dalka ayaa si hordhac ah u sheegay in aysan iyaga ku lug laheyn xasuuqii Gossi iyagoo si dadban ugu eedeeyay ciidamada Faransiiska ee saldhiga degmada ka guuray 4 maalmood ka hore.

Wasaaradda difaaca Faransiiska ayaa si kulul uga jawaabtay xabaal wadareedka laga helay agagaarka halkii ay ka guureen ciidamadooda iyadoo ku eedeysay shirkadda Fagnar ee Ruushka laga leeyahay in ay sameyneyso been abuur ka dhan ah ciidamadooda Mali ku sugan.

Howlgalkii Faransiisku hogaaminaye ee Barkhaan ayaa sidoo kale lagu eedeeyaa in ay gaysteen xasuuq ka dhan ah shacabka muslimiinta ah ee ku dhaqan dalka Mali halkaas oo inta badan ay kasoo jeedaan hogaamiyeyaasha jihaadiga ee JNIM.

Ka bixitaanka Faransiiska ee Mali ayaa ku soo beegantay iyadoo dhul badan ay gacanta ku hayeen kooxda jihaadiyiinta ee xiriirka la leh Al-Qaacida iyo kooxda Daacish, iyadoo xiisad ka dhex aloosantay Paris iyo Bamako oo la sheegay in la geeyay calooshood u shaqeystayaal Wagner ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM