Dacwad ka dhan ah madaxwayne ku xigeenka Kenya oo la laalay

Image
Kiiskan ayaa ku saabsanaa lunsashadda aduun lacageed dhan 60 milyan oo doolar-ka Mareykanka ah.

NAIROBI, Kenya - Maxkamad ku taal Kenya ayaa ogolaatay in ay laasho dacwad ka dhan ahayd madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua iyo sagaal kale, sidda ay qortey saxaafadda.

Talaabadan ayaa ka dambeysay markii ay codsi u gudbiyeen dacwad-oogayaasha. Kiiskan oo la xiriiray lunsashadda aduun lacageed oo dhan 7.4 bilyan shilin una dhiganta $60 milyan doolar.

Garsoore Victor Wakumile oo go'aanka meelmariyey ayaa wuxuu uga digay eedaysanaha in dib loo soo xiri karo haddii baarayaashu helaan caddayn dambiyeedka.

Codsiga ayaa, sidda ku xusan warbixinta ay qoreyso saxaafadda kala duwan ee Kenya, wuxuu si gaar ah kaga yimid xafiiska Agaasimaha Xeer Ilaalinta Guud oo loosoo gaabiyo DPP.

Xafiiska DPP ayaa codsaday in kiiska la joojiyo isagoo ku sababeeyay cadeymo la'aan, wuxuuna ku eedeeyay baarayaasha booliiska inay soo gabagabeyn waayeen baaritaannada.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa muddooyinkii u dambeeyay la kulmayay dhaliilo ku aadan in uu ka laabtay kiisas musuq maasuq oo lagu eedeeyay shaqsiyaad caan ah oo ay ku jiraan Wasiiro ka tirsan Xukuumadda.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa horay u beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay markii uu xildhibaanka ahaa isagoo ku tilmaamay mid siyaasadeysan lana xiriiray cadaadiska intii ololaha uu socdey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo sheegtay inay iska difaacayso “duullaan ballaaran” oo Eritrea ku soo qaaday

Dagaallada dib u soo cusboonaaday ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in gobolka Geeska Afrika uu galo dagaal ballaaran.

  • Afrika

    10-10-2026

  • 11:27AM

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM