Dad ku dhintay diyaarad milatari oo ku burburtay Itoobiya

Image

ADDIS ABABA - Ugu yaraan 18 qof oo 15 kamid ah ay yihiin Askar, halka Saddex kalena ay shacab yihiin ayaa lagu waramayaa inay ku dhinteen kadib markii diyaarad ay leeyihiin ciidamadda Itoobiya ay soo dhacday.

Diyaaradda oo ahayd nooca loo yaqaan Helicopter-ka ayaa waxay ku burburtay inta u dhexaysa Magaalooyinka Dire Dawa iyo Bishoftu, oo ku yaala Koonfur Bari ee caasimadda Addis Ababa.

Diyaaradda ayaa waxay saaka kasoo duushay Dire Dawa waxayna kusoo jeedeen magaalada Bushoftu, sida ay saraakiisha dalkaasi ay sheegeen.

Dadka ku dhintay shilkaan diyaaradeed waxaa Labo kamid ah ay ahaayeen caruur, kuwaasoo kamid ahaa Rakaabka diyaaradda oo kasoo duushay garoonka diyaaradaha ee Dire Dawa, xili ay Bishoftu kusii jeeday.

Aschalew Alemu oo ah sarkaal ka tirsan Booliska Itoobiya ayaa u sheegay Wakaaladda wararka ee dalka Itoobiya - Ethiopian News Agency - in shilkaan uu dhacay subaxnimadda maanta oo Khamiis ah.

Ma cadda sababta ka dambeysay inay soo dhacdo diyaaradda, laakiin Aschalew ayaa wuxuu daboolka ka qaaday inay wadaan baaritaan ku saabsan waxa sababay soo dhicitaanka diyaaradaan.

"Sababta wali baaris ayaa ku socota. Balse, shilka wuxuu dhacay subaxnimada saaka oo Khamiis ah. 18 qof oo saddex kamid ah Shacab ah, oo ay ku jiraan Labo caruur ah ayaa ku dhintay," ayuu yiri Aschalew.

Diyaaradda burburtay ayaa waxay kasoo duushay Magaaladda Dire Dawa, waxayna kusoo wajahneed Bishoftu oo ka tirsan gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, kuwaasoo xiisado ay kala dhaxeyso Soomaalida Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM