Dagaalka Suudaan oo galay mar-xalad lagu qeexay "cadaab dhab ah"

Image
Loolanka awoodeed ee dilaaga ah ee ka qarxay Sudan 15-kii April ayaa dhaliyay dhibaato bini’aadantinimo oo weyn.

KHARTUUM, Suudaan - Dagaalka Suudaan ayaa xoogeystay kadib markii uu waqtigiisu dhacay heshiiskii xabad joojinta. Isku-dhacii ugu dambeeyay ayaa laga soo wariyey gobolka Darfur ayna ku dhinteen tobanaan qof oo rayid ah.

Qiiq madoow ayaa cirka isku shareeray Axadii kadib markii ay dhamaatay xabad joojintii u dhaxaysay ciidamada Sudan iyo kuwa RSF oo saacado kahor dhacay, sida uu muujinayo muuqaal telefishan toos looga baahiyey telefishinada.

"Koonfurta Khartoum waxaan ku nool nahay cabsi duqeymo rabshado wata, dhawaqa qoryaha lidka diyaaradaha iyo goynta korontada," ayay tiri Sara Hassan oo 34 jir ah oo degan deegaanka. "Waxaan ku jirnaa jahanamo dhab ah".

Dagaallada ka socda caasimadda ayaa sababay burbur iyo dhac baahsan, waxaa dhulka la simay adeegyadii caafimaadka, korontadii iyo biyihii oo go’ay, sahaydii raashinka oo yaraatay.

RSF waxa ay sheegtay in ay soo ridday diyaarad dagaal ka dib markii ay ciidamadu "ku qaadeen weerar cirka ah oo lala beegsadey fariisimaha ciidamadeena" ee waqooyiga Khartoum.

Ilo dhanka militariga ah ayaa sheegay in diyaarad Shiinees ah ay ku burburtay meel u dhow saldhigga Wadi Seidna ee waqooyiga Khartoum sababtoo ah "cilad farsamo".

Loolanka awoodeed ee dilaaga ah ee ka qarxay Sudan 15-kii April ayaa dhaliyay dhibaato bini’aadantinimo oo weyn iyadoo in ka badan 1.2 milyan oo qof ay ku barakaceen gudaha dalka iyo 400,000 oo kale ay u qaxeen dalalka deriska la ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM