Dal ku yaalla Afrika oo 27-sano kadib doorasho ka dhacday

Image

BANJUL — Madaxweynaha Gambia Adama Barrow ayaa si fudud ugu guuleeystay doorashadii madaxtinimo ee Satidii ka dhacday dalkaai ku yaala dhinaca galbeed ee qaaradda Africa.

Natiijada doorashada oo ay Axaddii shalay shaaciyeen guddiga doorashada ayaa waxaa markiiba qaadacay musharraxiinta ka socday mucaaridka, kuwaas oo la filayo in ay loolan dhanka sharciga ah geliyaan Adama Barrow kahor inta uusan billaabin muddo xileedkiisa labaad.

Doorashadan ayaa aheyd tii ugu horreeysay oo xor ah oo Gambia ka dhacda muddo 27 sano ah, iyada oo uusan dalka joogin madaxweynihii hore ee Yahya Jammeh, oo hadda masaafuris ugu nool dalka Equatorial Guinea, kadib markii uu diiday natiijada doorashadii isaga looga guuleystay sannadki 2016-kii, ee uu kusoo baxay madaxweyne Barrow.

Muddo xileedki koowaad ee Adama Barrow ayaa ahaa mid ay shacabku bogaadiyeen, hase yeeshee waxaa hareeyay isbadallada dhaqaale ee uu keenay Coronavirus, kaas oo dhaawacay dhaqaalaha Gambia oo ku tiirsan dalxiiska, dhoofinta lowska iyo kalluunka.

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM