Degaano ka tirsan dalka kenya oo doorashdooda dib loo dhigey.

Image

NAIROBI,Kenya- Guddiga doorashada dalka Kenya ayaa dib ugu celinaya doorashada Afar degaan, kuwasoo ay codbixintii maanta dalkaas ka dhacdey lagala kulmey caqabado dhinaca amniga ah.

Guddiga doorashada ayaa dib ugu celinaya Kisumu, Magori, Homa Bay iyo Siaya kuwasoo mudaharaadyo ka sameeyeen tageerayaasha xisbiga NISA.

Afarta degaan oo doorashdooda dib u dhacdey ayaa waxaa ku xoog badan tageerayasha Raila Odinga kaasoo ugu baaqey dadka taabacsan iney joogaan guryahooda.

Gudoomiyaha guddiga doorashada dalka Kenya Wafula Chebukati ayaa saxaafada u sheegey in doorashada degaanadaas dib loogu celin doono 28 Oct,2017.

Afarta Degaan ayaa codbixiyaasha ka diwaan gashan waxey gaaryaan 1,863,182- 457,957 waxay dagan yihiin Siaya, 539,593 waxay ka diwaan gashan yihiin Kisimu, 476,932 waxay ka codeyn laheyd Homa Bay halka 388,700 ku sugan tahay Migori. 

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee NISA ayaa aqlabiyad balaaran ku haysa magaalootinkaas iyadoo doorashadii la diidey sharciyadeeda ka heley 99% Siaya, 97% Kisumu halka Homa Bay ka heley 85%.

Waxaa ugu muhiimsanaa falalkii maanta indhaha dadka soo jiitey, markii Iskuul ku yaal magaalada Kisumu iridihii laga galayey Alxan lagu dhuftey iyadoo dhibaato ku noqnatey dadkii ka shaqeyn lahaa goobtaas iney galaan halka degaano kale dadlkii shaqada ka qaban lahaa codbixintaan soo xaadiri waayeen xarumahaas.

Sharciga doorashada ayaa u ogolaanaya in guddigaan dib u dhigi karaan codbixinta goobaha qaakood hadii xadgudubyo ka jiraan dhinaca amniga ah. 

Sharciga doorashada ayaa sidoo kale ogolaanaya in lagu dhawaaqo qofka guuleystey hadii codadka maqan waxba ka badaleyn natiijada guud.

GAROWE ONLINE +WAKAALADAHA

 

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM