Dhamaan Rakaabkii saarnaa Diyaaradda Ethiopian Airlines oo geeriyoodey

Image

ADDIS ABABA - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay Shil diyaaradeed oo maanta ka dhacay dalka Eithiopia kaasi oo ay ku dhinteen dad gaaraya 157 ruux, oo 8 kamid ah ahaayeen shaqaalaha diyaaradda.

War ka soo baxay shirkadda Eithiopian Airlines ayaa lagu xaqiijiyay in aysan jirin qof ka badbaadey shilka diyaaradeed, islamarkaana ay dhinteen dhamaan dadki saarnaa oo kasoo kala jeeda 33 dal, oo aan wali magacyadooda la shaacin.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa Boeing 737 ayaa ku dhacday meel u dhaw magaalada Bishoftu oo 47-KM u jira magaaladda Addis Ababa saacaddu markii ay ahayd 8:44 daqiiqo waqtiga Geeska Africa.

Diyaaradda ayaa kasoo duushay Garoonka diyaaradaha Bole International Airport 8:38 subaxnimo, iyadoo lumisay xiriirka kahor inta aysan burburin 6 daqiiqadood kadib markii ay hawada gashay.

Ra'iisul Wasaaraha Eithiopia Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka hadlay shilka diyaaradeed, iyagoo tacsi u diray eheladda ay dadkooda ku dhintay musiibadda.

Illaa hadda lama shaacin sababta ka dambeysa burburka diyaaradda, balse Shirkadda Eithiopian Airlines ayaa sheegtay inuu socdo baaritaan, islamarkaana ay u dirtay goobta Koox khubarro ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM