Dhibanayaasha shilkii diyaaradeed ee Itoobiya oo magdhow helaya

Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Shirka diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa qorsheynaysa in ay magdhow siiso ehalada dadkii ku dhintay shilkii ay ku lug-yeelatay diyaaradeeda 10-kii bishaan Maaj.

Inta la xaqiijiyay 157 oo rakaab ah una dhashay 35 dal isla markaana Lix kamid ah ay Soomaali ahaayeen ayaa ku geeriyootay musiibadaasi oo dhacday lix daqiiqo kadib markii ay duushay diyaarada.

Diyaaradda soo dhacday ayaa kusii jeeday caasimada Kenya ee Nairobi. 34 muwaadin oo Kenyan ah kamid ahaa dadkii ku naf-wayeen dhacdadaasi.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta, qoysaska ayaa heli doona 17-25 milyan oo dollar, iyada oo cadadka lacagta lagu jaan-goyn doono da'da, shaqada iyo booska ay kaga jireen nolasha reerkooda.

"Magdhowga waxaa sidoo kale lagu salayn doonaa xeerarka caalamiga ah," ayaa laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan shirkada Ethiopian Airlines, kaasoo ku daray "18 bil gudaheed ayaan ku bixin doonaa.

Wali si dhab ah looma ogga waxay dhaliyay in ay soo dhacdo diyaaradda, inkasta oo ay socdaan baaritaan ku saabsan arrinkaasi.

Xogo horudhac ah oo laga soo dusiyay baaritaanka ayaa sheegaya in sanduuqa madow ee diyaarada, kaasi oo la helay maalin kadib burburka diyaarada, lagu guuleystay in laga soo saaro xogtii ku jirtay.

Ethiopian Airlines, hooyada diyaaradaha qaarada Afrika, ayaa wajahaysay tan iyo markii uu dhacay shilkaan su’aalo ku aadan badqabka duulimaadkeeda, xili hakad la geliyay dhamaan duulimaadyadii shirkadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM