Dhibanayaasha shilkii diyaaradeed ee Itoobiya oo magdhow helaya

Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Shirka diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa qorsheynaysa in ay magdhow siiso ehalada dadkii ku dhintay shilkii ay ku lug-yeelatay diyaaradeeda 10-kii bishaan Maaj.

Inta la xaqiijiyay 157 oo rakaab ah una dhashay 35 dal isla markaana Lix kamid ah ay Soomaali ahaayeen ayaa ku geeriyootay musiibadaasi oo dhacday lix daqiiqo kadib markii ay duushay diyaarada.

Diyaaradda soo dhacday ayaa kusii jeeday caasimada Kenya ee Nairobi. 34 muwaadin oo Kenyan ah kamid ahaa dadkii ku naf-wayeen dhacdadaasi.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta, qoysaska ayaa heli doona 17-25 milyan oo dollar, iyada oo cadadka lacagta lagu jaan-goyn doono da'da, shaqada iyo booska ay kaga jireen nolasha reerkooda.

"Magdhowga waxaa sidoo kale lagu salayn doonaa xeerarka caalamiga ah," ayaa laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan shirkada Ethiopian Airlines, kaasoo ku daray "18 bil gudaheed ayaan ku bixin doonaa.

Wali si dhab ah looma ogga waxay dhaliyay in ay soo dhacdo diyaaradda, inkasta oo ay socdaan baaritaan ku saabsan arrinkaasi.

Xogo horudhac ah oo laga soo dusiyay baaritaanka ayaa sheegaya in sanduuqa madow ee diyaarada, kaasi oo la helay maalin kadib burburka diyaarada, lagu guuleystay in laga soo saaro xogtii ku jirtay.

Ethiopian Airlines, hooyada diyaaradaha qaarada Afrika, ayaa wajahaysay tan iyo markii uu dhacay shilkaan su’aalo ku aadan badqabka duulimaadkeeda, xili hakad la geliyay dhamaan duulimaadyadii shirkadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM