Geeri ka dhalatay dab qabsadey iskuulka carruurta aragga la'

Image
Mid ka mid ah dabkii ugu xumaa ee iskuulada dalkan soo wajahay ayaa ka dhacay sanadkii 2008-dii.

KAMPALA, Kenya - Kow iyo toban carruur ah ayaa ku dhintay dab subaxnimadii Talaadada maanta ah ka kacay dugsi ay wax ku bartaan carruurta aragga naafada ka ah oo ku yaalla dalka Uganda.

Afar kale ayaa, sidda ay xaqiijisay dowladda oo soo saartey war-saxaafadeed kooban, waxay xaaladoodu tahay mid aad u liidataa waxaana lagu daweynayaa isbitaal.

Waxaa la baarayaa waxa sababay dabkan ka kacay dugsiga la jiifto ee ku yaala magaalada Mukono ee bariga caasimadda Kampala, balse dhacdooyinka noocaan oo kale ah ayaan caadi ahayn.

Mid ka mid ah dabkii ugu xumaa ee iskuulada dalka ka dhacay ayaa ka dhacay dugsiga Buddo Junior 2008-dii. Sagaal iyo toban caruur ah ayaa ku dhintay.

Waxaa loo malaynayaa inay jireen ugu yaraan 27 carruur ah oo hurday gudaha qolka jiifka markii uu dabka ka kacayay dugsiga Indhoolayaasha ee Salama.

Dhowr jeer oo hore, dabka ka kaca iskuulka ayaa waxaa sabab u ahaa caruurta oo adeegsada shumac qolalka ay seexdaan ka dib marka nalka uu damo kadibna ay gubato.

Dadaalka samatabixinta ayaa inta badan waxaa caqabad ku noqday ciriiriga waddooyinka iyo qalabkii dab-demiska ee iskuulada oo ah mid aan gabi ahaanba hagaagsaneyn.

Warbixin uu taliska bilaysku soo saartay bishii March ee sanadkan ayaa waxaa lagu sheegay in ugu yaraan 18 shilal dab ah ay ka dhaceen dugsiyada guud ahaan Uganda muddo saddex bilood gudahood ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM