Dhul-gariir laga dareemay qaybo kamid ah dalka Kenya

Image

NAIROBI, Kenya - Dhul-gariir cabirkiisu dhan yahay 7.6 ayaa la sheegay in uu ku dhuftay qaybo kamid ah dalka Kenya, fiidnimada Axada caawa ah.

Dowladda Kenya ayaa shaacisay in khasaaro nafeed iyo mid maaliaydeed oo kooban ay geysatay musiibadaan rabaaniga ah.

Dhul-gariirka ayaa laga dareemay magaalooyinka Naivasha, Nakuru, Makueni, Mombasa, Kiambu iyo Nyeri.

Dhacdadaan ayaa kusoo aadaysa xili maanta oo dhul-gariir cabirkiisu dhan yahay 10 uu ku dhuftay dalka Indonesia.

Khuburada aqoonta u leh arrimaha noocaan ah ayaa tuhunsan in dhul-gariirka ku dhuftay Indonesia uu sameeyay qaybo kamid ah dalka dhaca bariga Afrika.

Dadka degan xeebaha ayaa lagu tartarsiiyay in ay ka fogaadaan xeebaha si aysan waxyeelo daran ugu geysan arrintaan.

Shacabka Kenyan-ka ah oo ka fal-celiyay dhul-gariirka ayaa gurmad deg-deg ah udalbaya dhibanayaasha ay saameysay musiibadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM