Digniin culus oo loo diray Soomaalida ku nool Sudan [AKHRI]

Image

KHARTOUM - Safaaradda Soomaaliya ee magaaladda Khartoum ayaa soo saartey qoraal loogu baaqayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sudan inay sameeyaan taxadir maadaama xaalad khatar ah ay ka jirto dalka.

"Iyadoo la tixgalinayo xaaladda ka taagan dalka Suudaan, waxa ay ugu baaqeysaa Safaaradda JFS ee Khartoum guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkan in ay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, ayna ka fogaadaan goobaha ay dadku isugu yimaadaan," ayaa lagu yiri warka Safaaradda.

Safaaradda waxay kula talisay Muwaadiniinta Soomaaliyeed inay lasoo xiriiraan hadii xaalad degdeg ah lasoo gudboonaato inta ay ku sugan yihiin dalka Sudan.

Lama shaacin tirada dadka Soomaalida ah ee ku nool Sudan, balse waxaa la rumeysan yahay in ay joogaan arday badan oo wax ka barta Jaamacadaha iyo dad kale oo Soomaali ah oo degan dalkan uu afgembiga ka dhacay.

HALKAN KA AKHRI QORAALKA SAFAARADDA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM